Wararki Ugu Dambeeyay Caawa iyo Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Kismaayo uu maanta booqday Taliyaha Cusub ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dahir Aden Cilmi “Indhoqarsho” iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay.

Gen. Indhaqarsho iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kula balaaran la yeesheen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, oo uu u sheegay in mudo todoba maalmood gudahood ah lagu soo gaarsiinayo mushaaraadkooda, waxa uuna ugu hambalyeeyay ciidamadaasi sida geesinimada iyo waayo aragnimada leh ee ay uga soo ambabaxeen magaalada Ceelwaaq ee gobolka kuna soo gaareen magaalada Kismaayo iyadoo haba yaraato’e aysan dareemin falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Dahir Aden Cilmi “Indhaqarsho” ayaa waxa uu dhinaca kale kulan la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM waxa uuna ku wargaliyay inay gacanta ku sii hayaan saldhiga magaalada Kismaayo ilaa amar dambe ay ka helaan Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Col. Yaasiin Nuur Gaas oo dhawaanahanba u dhexeeyay khilaaf ba’an ayaa waxaa diyaarad qaas ah loogu qaaday dhanka magaalada Wajeer ee Dalka Kenya, sidoo kale isna waxaa ku soo wajahan magaalada Wajeer Col. Cabaas oo kasoo kicitimaya dhanka magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Isku soo wada duub oo weli waxaa ka taagan magaalada Kismaayo khilaaf ba’an oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo maanta labaduba dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo dhufeeysyo ka waday kana kala sameesanayay gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo.

Waxii kasoo kordha wararka magaalada Kismaayo kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com