Magaalada Caabudwaaq Oo Laga Mamnuucay In Hub Lagu Dhexwato.*Daawo Sawirada + Dhagayso*

0

 13Caabudwaaq (AGGM): Maamulka Dowladda Soomaaliya ee magaalada Caabudwaaq ayaa amaro kala duwan kasoo saaray isticmaalka hubka ee Degmadaasi lagu dhexwato.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka KMG ee magaalada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dirif oo maanta ka hadlaye banaanbax ballaaran oo ka dhacay magaaladaasi ayaa sheegay in isticmaalka hubka aan laga ogolaan doonin gudaha Caabudwaaq.

Wuxuu sheegay in iminka kadib aan magaalada lagu arki karin qof si sharcidaro ah hub ugu dhexwata Caabudwaaq gudaheeda taasina ay qeyb ka tahay qorshaha sugida dhanka ammaanka ee maamulka Dowladda ee magaaladaasi.

Axmed Jaamac Dirif ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha dhaca ugeesta dadka shacabka iyo gaadiidka isticmaala wadooyinka ku dhaw dhaw magaalada Caabudwaaq iyaga tallaabo laga qaadi doono.

Sharciga ayuu sheegay in la horgeyn doono cidii lagu arko iyadoo dhac ugeysanaysa shacabka iyo gaadiidka istcimaala wadooyinka hareer mara magaalada Caabudwaaq.

Maamulka cusub ee magaalada Caabudwaaq ayaa dhawaan waxaa ku dhawaaqay Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed kadib markii wafdi Ra’iisul Wasaaraha uu hogaaminayo ay booqasho ku tageen Degmadaasi iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Dibadbaxa Maanta Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Gudoomiye_axmed_jaamac_dhirif.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud”gmail.com