Ma Xal Iyo Barwaaqaa Maamul Goboleed Mise Waa Dhibaato? W/Q. Abdulkadir Abdi Farah

0

MaqaalASC WWB, Waxaan isku cabiray Somaliya iyo Switzerland anoonba u galin wadamo kale oo la mid ah dhismaha dowliga ahaan sida Jarmalka, United Kingdom, Mareykan IWM, bal in aan aragno in ey wanaagtahay in la dhiso maamul goboleedyo badan iyo in kale.

Switzerland waxa ey ku fadhidaa dhul baaxaddiisu tahay 41,285 square Km waxaana dadkooda lagu qiyaasaa illaa sideed milyan, waxayna u dhisantahay dhanka maamulka siyaasadda ilaa iyo 26 maamul goboleed, mid walbaa leeyahay Baalamaankiisa iyo Dastuurkiisa. Madaxweynuhu waa iska magac ee wax awood ah ma lahan waana wareegto magacaabistiisuba. Wadankaan sidaas u yar waa wadanka ugu qanisan uguna nabdda badan caalamka waxaana sabab u ah qaabka maamul goboleedka ee uu u jiro iyo in gobol walbaa iskii isku maamulo kuna dhaqno Dastuurkiisa iyo shuruucda gobolka u gaarka ah.

Somaliya waxay ku fadhidaa 635,541 Square Km waxaana lagu qiyaasaa illaa iyo dhowr iyo toban milyan. Isdiid iyo is xagxagasho dhanka maamulka siyaasadda iyo yaa madaxweyna ah awgeedna ama Caasimadda waxwalba ha laga maamulo iyo hal Dastuur aan lahaano iyo hal sharci, maanta waa wadanka ugu nabadda xun, uguna faqiirsan dunida.

Sidaa awgeed soo kulama haboona in la xoojiyo in la dhiso maamul goboleedyo midwalbaa leeyahay Baarlamaankiisa iyo Dastuurkiisa, dowladda dhexana usoo dirsada dad matala gobol walba oo uu maamulka gobolku soo dirsaday si ey shacabka gobolkooda u matalaan, madaxweynahana uu noqdo mid wareega oo aan magac mooyee aan wax awood ah laheyn, faraha la galin maamulada balse magac un iska ah sida Switzerland.

Sideed iyo tobanka gobol ee ey sharciyan u jirto Somaliya ayaa xitaa midwalba uu iskii u istaagi karaa iskaba daa sida ey haatan tahay, isla markaasna uu yeelan karaa Barlamaankiisa iyo Dastuurkiisa. Maanta Shacabkeenu waxa ey u qaxaan oo ey nolol iyo nabadgalyo u doontaan wadankaas yar ee ku hodmay qeybinta maamulada kuna tanaaday oo ah wadanka caalamka ugu buuqa yar, ugu qanisan uguna nabadda badan, madaxweynana aan la isku xag xagan!

Sidaa awgeed waxaa ila haboon kulana talin lahaa Somaliya in ey xooga saarto in la dhiso maamul goboleedyada dalka ama ha israacaan ama ha ahaadeen gobol iskii u istaagan, midwalbaana yeesho Baarlamaan iyo Dastuur u gaar ah. Waxay kaliya keeni kartaa waa nabad iyo barwaaqo. Meesha wey ka saareysaa in madaxweyne la isku qabqabsado mar haddiba uu wareegto yahay aan isla markaasna magac mooyee aan awood laheyn. Baarlamaanka dhexe waxa uu u dhismayaa mas’uuliyiin gobol. Switzerland tiro isku mid ah ayaa gobol kasta laga keenaa oo kuma xirna baaxadda gobolka iyo tirada dadka. Balse cadad is kumid ah ayaa gobolkasta laga keenaa oo uu ku dhisanyahay xildhibaanadda xarunta dhexe.

Haddii ey dhibaato tahay Jubbaland ama maamul goboleedyo kale in la dhiso, fadlan ka tusaala qaata Switzerland oo sideena dagaalo badan soo martay markii ey nidaamkan dhisteen ee ah 26 maamul goboleed heerka iyo nolosha ey gaareen, sidoo kale marka ey madaxweynaha ku soo koobeen magac aan awood laheyn isla markaasna wareega oo sanad ama labab loo magacaabo gobol ka mid ah 26 gobol.

Waxaan u arkaa in Somaliya ey tusaale ka qaadato Switzerland iyo dalaka caalamka ee la midka ah, oo dhib iyo dagaal badan ka dib gartay iney fekiraan xal wanaagsanna ey u helaan dalkooda, shacabkooda iyo degaankooda si ey nabad iyo barwaaqo u gaarto uguna waarto.

Wabillahi Towfiiq,

Abdulkadir Abdi Farah

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com