Gudoomiyaha Ururka Taakulaynta Ciidamada Qalabka-sida Oo Hambalyo Udirtay Hogaanka Cusub Ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

0

baarliinGudomiyaha Ururka Taakulaynta Ciidamada Qalabka-sida ee Somaaliyed Marwo Baarliin Maxamud Adawe ayaa Hambalyo udirtay Madaxda Cusub ee loomagacaabay Ciidamada Xooga dalka Soomaliyed, sidoo kalena Amaantay Madaxdii Hore kuna tilmaantay kuwo aan la ilaabi karin waxqabadkoodii.

 
Gudoomiye Baarliin ayaa hoosta kaxariiqday inay saraakiishii hore mutaysteen abaal marin qaran ayna howshooda uguteen sidii ugu wanaagsanayd, Ururka Taakulayntuna wuxuu balanqadayaa inuu Abaalmarin Gudoonsiiyo, General Diini & General Dhegabadan.
 
Labadan sarkaal ayuu ururkani u aqoonsaday inay yihiin saraakiishii ugu dadaalka badanayd 22 sano ee lasoo dhaafay marka laga hadlayo abaabulka iyo dhismaha ciidanka xooga dalka soomaliyeed.

Waxaana lagu xasuusan doonaa sidii ay ula dagaalameen cadowgii ummaadda soomaliyed dhibaatada kuhayey Mudooyinkii ugu danbeeyey kaas oo ahaa Alqaacida & Alshabaab.Ugu danbayntiina Marwo Baarliin ayaa hadalkeda kusoo gebagebaysay in Hogaanka cusub ay kafilayaan hawl-karnimo dheeri ah.

 
Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Afhayeen Ururka Taakulaynta Ciidanka
   
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail..com