Xildhibaan Qorax Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalki Kasoo Yeeray Xildhibaan Xidig.*Dhagayso*

0

qorax1Muqdisho (AGGM): Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose dhawaan waxaa gaaray ciidamo ka hayaamay magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, kuwaa oo la sheegay inay qayb ka yihiin ciidamo ay dowladda Soomaaliya ugu talagashay inay sugaan ammaanka magaalada Kismaayo.

Ciidamadaas oo dhaliyay muran badan islamarkaana qaar kamid ah mas’uuliyiinta deegaanka ay ku sheegeen inay Al-Shabaab yihiin ayaa arrinkaas waxaa ka hadlay  Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xirsi Qorrax oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka ee ka soo jeedo gobollada jubbooyinka gaar ahaanna gobolka Gedo, wuxuuna sheegay xildhibaaanku in xildhibaan Cabdirashiid Xiddig uu ku hadlaay hadal aan ka fiirsasho lahayn.
Wuxuu intaa ku daray inay habboonaan lahayd in mr Xiddig uu ayaga la soo xariiro kadibna uu ogaado halka ay ciidanku ku wajahanyihiin iyo qaab ahaan sababaha loo geeyay deegaannadaas.
Xildhibaan Qorrax ayaa sidoo kale sheegay inaysan ciidamadan ahayn kuwo qabiin, wuxuuna si cad kaga jawaabay arrimaha la xariira halka ay soo mareen ciidamadaaan, wuxuuna caddeeyay inaysan jirin ciidan midaysan oo Al-Shabaab ah oo hor istaagi kara ciidan dowladeed oo hubaysan.
Hadalka Xildhibaan Qorrax ayaa imaanaya xilli dhawaan xildhibaan Cabdirashiid Xiddig uu shir jaraa’id ku sheegay ciidamadii Kismaayo soo gaaray maalin ka hor ay ahaayeen Al-Shabaab, islamarkaana mas’uuliyiinta dowladdu ay wax badan ka ogyihiin ciidamadaas.[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Xildhibaan-Qorrax.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com