Xildhibaan C/rashiid Xidig Oo Dacwad Ka Dhan Ah Loo Gudbiyay Gudiga Anshaxa Baarlamaanka.

0

xidigMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in dacwad ka dhan ah Xildhibaan C/rashiid Xidig loo gudbiyay Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd marki Xildhibaan C/rashiid Xidig uu warbaahinta ka sheegay in qaar kamid ah ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo loo soo badalay magaalada Kismaayo ay yihiin Al Shabaab, arintaas oo caro galisay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Wasaarada Gaashaandhiga iyo saraakiisha Sare ee ciidamada XDS.

Xildhibaanka ayaa waxaa laga doonayaa in uu keeno cadeeyn cad oo muujinaysa warka kasoo yeeray, waxaana laga yaabaa haduu cadeeyn keeni waayo in uu gudiga anshaxa Baarlamaanka uu kala kulmo ciqaab amaba ganaax adag maadaama dalku uu ku jiro dagaal ka dhan ah argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidada Soomaaliya.

Haddalka Xildhibaanka ka soo yeeray ayaa waxa uu qatar ku yahay amaba dhaawacayaa moraalka ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee maalin walba u huraya naftooda difaaca Qaranimada Soomaaliya.

Xildhibaan Xidig ayaa waxaa dadka qaar ay ku macneeyeen hadalkiisa in uu ahaa mid uusan u meel dayin, islamarkaana xambaarsanaa caadifad qabiili ah oo ka tan badisay Xildhibaanka, markuu isbarbar dhigay mas’uuliyada Xildhibaanimo ee uu hayo iyo Qabyaalada  waxaa uu doorbiday inuu ku adeego Qabyaalada.

Isku soo wada duub oo waxaan la ogeen waxaa lana saadaalin karin ciqaabta uu kala kulmayo gudiga Anshaxa Baarlamaanka Soomaaliya inta ay le’kaan doonto.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com