Wasiirka Gaashaandhiga Fiqi "Ciidamada Dowladda Ma’aha Ciidamo Qabiil".

0

fiqi1Muqdisho (AGGM): Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta ka soo baxday qaar ka mid ah maamulada dalka oo sheegay in ciidamda dowladda Soomaaliya yihiin Qabiil kaliya.

Maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo ka soo horjeestay cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Kenya ka kooban yihiin sida ay hadalka u dhigeen hal qaabiil oo kaliya.

Wasiirrka gaashaandhiga ayaa sheegay ciidamada  dowladda ka kooban yihiin Soomaali oo idil laguna tilmaami karin ciidamo beel kaliya ka soo jeeda, waxaana uu sheegay in eedeynta ka soo baxday maamulada dalka qaarkood yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.
Wasiirrka ayaa dhanka kale waxa uu xusay in narxalad cusub ay Soomaaliya gashay loona baahanyahay in laga shaqeeyo Qaranimada iyo horumarka dalka.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan in cunaqabateyntii hubka laga qaaday Soomaaliya, ayaa waxaa arintaa siweyn uga hor yimid maamulada dalka qaarkood oo sheegay in arinta ay u fududeyneyso sida ay hadalka u dhigeen koox gaar ah in ay is hubeyso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com