Warsaxaafadeed: Ra'iisal Wasaaraha Iyo Wafdigiisii Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Garoowe.*Daawo Sawirada*

0

IMG_3102 (2)Garoowe (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo ka kooban xubnaha labada gole ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaaroowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey mas’uuliyiinta maamulka Puntland, uuna ugu horeeyo madaxweynaha Mudane C/raxmaan Faroole, Madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane C/samad Shire, waxaana munaasabad qado ah loogu sameeyey xarunta madaxtooyada Puntland.
Ra’iisal Wasaare Saacid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay  soo dhoweynta diiran ee shacabka Reer Puntland gaar ahaana kuwa Garoowe ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ammaan gaar ah u jeediyay dadweynaha oo uu sheegay inay indhiiisa qabanayeen rag iyo dumarba iyaga oo wadada safan isla markaana si farxadi ku dheehantahay u soo dhoweynayay, taasoo buu yiri ka tarjumeysa sida shacabka reer Garoowe ugu heelan yihiin dowladdooda Federaalka ee Soomaaliya.
“Waxaan idiin cadeynayaa in dowladu ay diyaar idiinla tahay taageero kasta oo ay shacabku u baahan yihiin inay la garab istaagto dadweynaha reer Puntland” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dareenka dadka ay muujiyeen uu tilmaan u yahay taageeradooda.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in inta ay joogaan magaaladan Garoowe ay wadahadalo la yeelan doonaan madaxda maamulka Puntland ayna kala hadli doonaan sidii iskaashi iyo wadashaqeyn adag ay u yeelan lahaayeen labada dhinac, wuxuuna tibaaxay in gaarista maamulada, iyo gobolada ay muhiimad weyn siinayaan maadaama ay dowladdu dhaqangelineyso nidaamka Federaalka.
Dhanka kale, madaxweynaha Puntland Mudane Faroole ayaa ka mahadceliyay booqashada wafdiga, wuxuuna xusay in maamulkiisu uu qeyb ka yahay dowladda federaalka Soomaaliyeed isla markaana dhismaha iyo ka gudbida marxaladdii kumeelgaarka uu udub dhexaad u ahaa maamulkiisu, maadaama shirarkii ugu muhiimsanaa lagu qabtay magaalada Garoowe.saacidGarowe5

IMG_3102 (2)

IMG_3101 (2)

saacidGarowe6

IMG_3118 (2)

saacidGarowe10

IMG_3118 (2)

IMG_3019 (2)

saacidGarowe8

IMG_3114 (2)

IMG_3135 (2)

IMG_3148 (2)

IMG_3034 (2)

IMG_3032 (2)

IMG_3029 (2)

saacidGarowe4

saacidGarowe14

IMG_3176 (2)

IMG_3212 (2)

IMG_3239

IMG_3243 (2)

IMG_3264

IMG_3265

Garad Salad Hersi
Press officer
Garowe, Puntland

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com