Wararki Ugu Danbeyay Ee Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka  Jubbada Hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in maanta  Xaalada Magaalada ay dagan tahay ka dib  dhaqdhaqaaqyo ciidan oo shalay laga  dareemay Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda.

Arinta Xiisada badan dhalisay  ee Ciidamadi Dowlada ee ka yimid  Dagmada Ceelwaaaq ee Gobolka Gedo ayaa  la soo Afjaray  kadib marki ay beenowday  warar qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Jubboyinka  ay ka xigteen Website Waamo News oo ahaa in Ciidamada Magaalada Kismaayo yimid ya yihiin  Ciidamada Al-Shabaab ah .

Masuliyiinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  iyo Masuliyiinta Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo  ee kala ah  Gen Fartaag , Gen Cali Madoobe, Sh.Aw-libaax, Col Yasiin Raader iyo Taliyaha Saldhiga Boliska  ee Kismaayo  Deeq Cisman Qalinle ayaa waxay Ciidamadani ka qaateen Mowqif mid ah  waxa ayna Cadeeyeen in Ciidamadaani ay yihiin Ciidamadi  Al-Shabaab ka sifeeyay Gobolada Jubboyinka iyo Gedo cid ka hor istaagi kartana aysan jiriin  Magaaladi ay u soo halgameen.

Saraakisha  Amsom  ee horkacaysa Ciidamada Kenya ee ku sugan  Jubboyinka iyo Gedo  ayaa  ayaguna  fahmay been abuurka ay ku kaceen Siyaasiyinta ka soo jeeda  Jubboyinka ayadoo  wada hadal dhexmaray saraakisha Amisom ee Joga Ceelwaaq iyo kuwa jogaa Kismaayo lagu cadeeyay in Ciidamadani ay Kismaayo ku yimadeen badal rasmi ah oo ay ka warqaabeen Ciidamada Amisom ee ku sugan Ceelwaaq.

Saraakisha Amisom  ayaa waxa ay shalay  Canaan  dhagaha u sareen   Gudomiyaha Raskambooni oo asagu marki  4 raad meel been ah  u farmuuqay Ciidamada Amisom   dhacdadaan ti ka horaysay waxa ay ahayd  marki  Axmed Madoobe u Ciidamadi  Dowladda Soomaaliya ee gadoodka sameyay  bilo ka hor   ku shabadeeyay Al-Shabaab balse  Ciidamada Amisom ay dib ka ogaadeen in Ciidamadani yihiin kuwa Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Magaalada Kismaayo soo garay meeqo ayay ka kooban yihiin  maxayse wataan.

Wariyaha Allgalgaduud Media ee Magaalada Kismaayo oo  boqday goobta ay ku sugan yihiin Ciidamadan ayaa  waxaa uu soo sheegay in Ciidamadani ay yihiin  500  oo Askari  isla markaana wata  13 gadiidka Dagaalka ah iyo 2  gaari oo Xamuul ah kuwaas oo ay ku raranyihiin Hub ,Rasaas,Shidaal iyo Rashiin.

Wariyaha waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamadani Shalay  loo qalay 3 neef oo geel ah  islamarkaana xarunta ay ku sugan yihiin ay soo buux dhafiyeen masuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo iyo qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ay  Ciidamadaani horay iskula soo tababarteen wadanka Kenya .

Dhanka  kale Qaar ka mid ah Ciidamada ka yimid  Dagmada Ceelwaaq ayaa waxa ay soo galeen  Magaalada Kismaayo ayagoo  xalay  gudaha Magaalada u hoyday.

Waxaa jira  Website-yo Wararka  ku sabsan Ciidamadaan qora ayago riyoonaya ayago sheegay in  Ciidamada xoggan leh  hub ka dhigis  lagu sameyay islamarkana ay hada xiran yihiin  qof kasta oo  xaalada Kismaayo wax ka og  islamarkana kaashanaya  caqligiisa saliimka ah waxaa uu ogaan kara in 500 oo askari oo ku hubaysan 13 Gadiid dagaal ah Kismaayo na ku yimid badal  rasmi ah  oo ay ka warqabaan Amisom in aan hub ka  dhigis lagu sameyn karin islamarkana usan jirin jeel ama  xabsi qaada.

Ugu danbeyn  shalay ayay ahayd  marki xal  kama danbays ah laga gaaray  soo galitaanka Ciidamadan  waxaana loo sheegay in ay xor u yihiin soo galitaanka Magaalada Kismaayo waxaana hada loo diyaarinayaa xeradi ay  ka dagi lahayeen Magaalada Kismaayo.

————————————-

Maxamed Jamac Cabdi
Kismaayo-Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com