R/wasaare Saacid Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Goor Dhaw U Ambabaxay Magaalada Garoowe.

0

IMG_2189Muqdisho (AGGM):Waxaa goor dhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wafdi ka socda xukuumada Soomaaliya oo uu horkacayo ra’iisal wasaare Cabdi Farax Shirdoon Saacid, kuwaa oo ku sii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland.

Safarka wafdiga oo aan horay loo sii shaacin ayaa la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa, iyadoo la  og-yahay in dhawaan maamul gobolleedka Puntland uu siweyn uga hor yimid talaabada uu gollaha amaanka QM cunaqabateynta hubka kaga qaaday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ilaa iyo hadda la ogeyn mudad rasmiga ah oo ay booqashada qaadaneyso, iyada oo ku soo beegantay xilli uu ra’iisul wasaaruhu dhawaan socdaal ku tagay gobolka Gaslguduud, isagoo heshiis lasoo galay mas’uuliyiinta Ahlu Sunna.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay u sheegay inuu soo dhaweynayo horumarka ay Puntland ku tallaabsatay, isagoo xusay in xukuumaddiis ay gacan ka siin doonto dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo uu ku sheegay kooxo nabadda diiddan.

Laakiin Puntland marar badan oo hore waxaa ay dhaliishay siyaasada dowladda federaalka, waxaana muuqata in wafdigan uu noqonaya kii ugu horeeyay oo ka socda dowladda federaalka oo socdaal ku taga Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com