Khilaaf Xoog Leh Ba'an Oo Soo Kala Dhexgalay Maamulada Jubbada Hoose Iyo Gedo.

0

xidig iyo warfaaMuqdisho (AGGM): Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf xoog leh iyo waliba xiisad ka dhalatay ciidamo sida la sheegay ka soo ambabaxay gobollka Gedo, oo soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ciidamada xiligan ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo yihiin sida uu hadalka u dhigay kuwa ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana doonaya in ay carqalad galiyaan amniga magaalada Kismaayo.

Laakiin hadalka xildhibaannka waxaa durbaba ka jawaabay caro ba’anna ka muujiyay afhayeenka ciidamada gobollka Gedo Warfaa Sheekh Aadan oo sheegay in ciidamada gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay u socdaan ciidaamadaas in ay sugaan nabad-galyada magaalada Kismaayo oo sida uu sheegay ay ku guul-dareysteen wax ka qabashadeeda xoogagga Raaskanbooni.

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo sheegay in ciidamadaas ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa ku sababeeyay arintaa in wax lala yaabo tahay in ciidamo ka tirsan dowladda oo waliba ku hubeysan gadiidka dagallka si fudud u soo dhaxmaraan deegaanno ay gacanta ku hayaan Al-shabaab taasoo muujineysa ayuu yiri in ay ka tirsan yihiin kooxdaas.

Col. Warfaa Sheekh Aadan ayaa dhinaciisa sheegay in ciidamada dowladda si xeelad militari ah u dhaxmareen deegaannada ay maamulaan Al-shabaab iyaga oo aan la fahmin, arintaana tahay arin militari.

Hadalka ay qalabka warbaahinta isku dhaafsanayaan saraakiisha ka soo kala jeeda labada gobol ayaa muujinaya khilaafka xoogan ee xiligan u dhaxeeya mas’uuliyiinta gobollka Jubbada hoose iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com