Qaadista Cunaqabatayntu Maxay Kadhigan Tahay?

0
suldanLaga soo bilaabo Sanadkii 1993 waxaa dalka Soomaliya Imbaargo laga saaray in Hub lasoogeliyo waxaana arintaas dusha kala socday Qaramada Midoobay, waxaana Fulinteeda loo xilsaaray Kooxda Moniterin-Gruop Looyaqaan waxaana xayiradan Soomaliya kuwehliyey dalka Ereteria.

Dawladihii dalkeena loodhisay ayaa dhammaantood iskaga mid ahaa dalabka qaadista Cunaqabataynta Hubka,waxaase kuguulaystay mudo gaaban Dawlada Federaalka ah ee xiligaan.’

 
Su,aasha taagani waxay tahay maxay kadhigantahay Qaadista cunaqabatayntu? waxaana laga bixinayaa Jawaabo kala duwan Waxayna ka imaanayaan Shaqsiyaad iyo weliba Madaxda Maamulada Dalka qaarkood.

Waxaana arinta diidmada sabab looga dhigay dhowr qodob waxaana ugu muhiimsan:-

1- Hubka oo baqdin looga qabo inuu galo gacan Qabiil,

2- Inay helaan Kooxaha dagaalamayaa Hub farabadan uuna kugaaro Habsi Ganacsi,

3- Inuu hubkani abuuro colaado cusub oo dalka kadhasha Fikradahaasina waxay intooda badani ka dhexguuxayaan Bulshada Soomaaliyed oo ka dhamaaday Aaminkii ay iskuqabeen.

 
Hadaba maqaalkan oo midaan qormo keliya looga bogan karin ayaan waxaan dulucdiisa kadhigaynaa Hubka waxaa loofasaxay Qoys laguma sheegin ee waa Qaranka Soomaliyeed, hadii qoys wax loofasxayo horaa loogu fasixi lahaa.

Xeeldheeayaasha Siyaasada Soomaliya ayaa ku macneeyey inay guulaysatay Dawladda Federaalka Soomaliya, waxaase Arintaas kaduwan maantaba kudhawaaay madax katirsan Maamulada Puntland,& Somaliland, waxaana lasugayaa kuwa Kale sida ay uga Jawaabaan arintan soo korortay.
 
Akhristow waxaad ogaataa hadii aan dhowrano ciidamada shisheeye iyo hubkooda waxqabadkiisa inay lamidtahay qof Abuurtay miro duban hadana sugaya inay usoodhashaan, taasina waa midan horey loo arag.

Ugu danbayntiina waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dawladda Soomaliyed inay Hubka dalkeena lasoogelinayo kadhigaan Mid lagu abuuro Qaran balse ay kafogaadaan tuhunka hadaba jira ee kusaabsan in dad gaara uu gacantooda  gelayo.
 
Bulshada Soomaliyeedna waxaan kula dardaarmi lahaa in lasooceliyo is aaminadii iyo walalnimadii meeshana laga saaro Tuhunka iyo sida xun wax usheegista aan faa,iidada noolahayn.
 
NOQO SHAQSI MADAXDIISA AAMINA 

Suldan Ali Abdulahi Hassan
Sweden Västerås

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com