Maamulka Cusub Ee Dagmada Cabudwaaq Oo Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ay Ku Jirto Qaadida Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Maamulka Cusub ee  Dagmada Cabudwaaq ayaa waxaay marki ugu horaysay ka hadleen  Xaalada guud ee Wadanka Somalia  iyo qadistii Cunaqabateynt hubka ee Wadanka Somalia laga qaday.

Madaxa  Maaliyada iyo Maareynta ee Maamulka Cusub ee Dagmada Cabudwaaq Dr Cabdiqafaar Aadan Maxamed  ayaa ugu horeyn waxaa uu si weyn  u soo dhaweyay  Socdaalki Raisalwasaaraha Somalia uu ku yimid Gobolka Galgaduud.

“Socdaalki rasmiga ahaa ee uu Raisalwasaare Saacid Gobolka ku yimid  waxaa uu ahaa mid waxtar weyn u yeeshay Gobolka waxaana uu meesha ka saray  isqabqabsi  sanoyin soo jiray oo ka jira inta badan Dagmoyinka Gobolka  ayu yiri  Dr  Cabdiqafaar”

Masulkaan ayaa waxaa uu sido kale  ka hadlay  Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee  Somalia sarnayd inka badan 20 sano  waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhawaynayaan  go,anki Qaramada Midobay ay ku  qatay Cunaqabateynta hubka Somalia.

” Wadan aan difaacan karin  Qaranimadiisa  ma ahaan wadan jira qaadista Cunaqabataynta Somalia na waxaay soo celinaysa sharafki iyo qaramaadi Ciidamada Xogga Dalka Somalia ay ku lahayeen Qaarada Afrika mana  filaayo in hubka Ciidamada xogga Somalia lagu  bar tilmaameedsan doono dad gooni ah sida aan Idacadaha ka maqlayay Maalmihii ugu danbeya ayu yiri Dr Cabdiqafaar”

Dr Cabdiqafar Adan ayaa waxaa uu sido kale  ka hadlay Baaqyo qaar ka mid ah  Shacabka Somaliyeed ka soo baxayay  kuwaas oo Raisalwasaare Saacid ugu baqayay  in uu wadanka ka soo baxo oo socdaalo ka bilaabo Qaradaha Adunka  Masulkaan ayaa waxaa uu sheegay in 10 safar oo uu Raisalwasaare Saacid  dibada ku adoo in u ka qimo badnaa safarki 60 ka saac  qatay ee uu Raisalwasaaraha ku maray Gobolka Galgaduud.

Safarka Galgaduud uu Raisalwasaaraha ku maray waxaa uu  Dowlada Somalia hoos keenay Labo maamul oo  misaan ku leh Gobolada dhexe ee Somalia  waxaa uu Maamulo u dhisay Dagmoyinka Gobolka Galgaduud waxa uu diyaariyay qorshe Maamuladaasi  6 bilood ka dib ay ku samaysan karaan Maamul Goboleed ay u dhan yihiin  arimahaas oo dhan  saraakil Ajaniib ah  oo lala shiro  may dhameeyeen.

Waxa la rabo in la dajiyo oo dib u heshisiin loo sameeyo waa Somalia waxaa la rabo in ay  Dowlada Taageeraan wa Somalida ku nool Gobolada kala duwan ee Somalia  waxaa kalsonida ugu badan laga rabo waa Shacabka Somaliyeed  reer Yurup ayaa i taageray kalsonida Shacabka Galgaduud laguma heli lahayn hadan lo imaan oo aan lala  fadhisan  marka ka maamul ahaan waxaan qabnaa in Raisalwasaaraha Somalia in uu ku saxan yahay  sida uu awooda u saray  xal u helida arimaha gudaha Somalia. ayu yiri Dr Cabdiqafaar.

Ugu danbeyn  Masulkaan ayaa waxaa uu ugu baqay  qaybaha kala duwan ee Somalia  in ay si hagar la,aan ah u garab istagaan  Dowlada  Fadaralka Somalia oo uu ku sheegay in ay tahay mida kaliyah ee soo celin karta  Sharaafki  Ummada Somaliyeed.

——————————-

Maxamed Cabd Jamac
Cabudwaaq-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com