Isbaheysiga Raila Odinga Oo Dalbaday In La Joojiyo Tirinta Codadka Doorashada Kenya.

0

odingaNairobi (AGGM):Isbaheysiga musharaxa madaxweynaha Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay in aysan ku kalsooneyn sida ay u socoto tirinta codadka doorashadii maalintii Isniintii ka qabsoomtay dalka Kenya.

Kalonza Masyoka oo ah musharaxa madaxweyne ku-xigeenka isbaheysiga Raila Odinga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in aysan ku kalsoonaan karin habka ama sida ay hadda ku socdaan tirinta codadka, madaama uu sheegay guddiga doorashada in ay xumaadeen qalabkii lagu soo gudbinayay codadka laga dhiibtay doorashada, sidaa daraadeed ay qasab noqontay in gacanta lagu tiriyo codadka.

Waxaa uu sheegay Masyoka in aysan la dhacsaneyn tirinta codadka iyaga oo shaki ka qaba in ay jiraa is daba marin iyo waliba in laga yaabo kushubasho dhacday, waxaana ay ka dalbadeen guddiga doorashada in la joojiyo tirinta codadka.

Isbaheysiga Raila Odinga ayaa shakiga ugu weyn ka qaba codadka la sheegay in ay xumaadeen oo ay qabaan in ay intooda badan yihiin kuwoo laga dhiibtay gobolladii laga taageersanaa musharaxa Odinga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo arintan ka soo saareen guddiga doorashada oo wali ku guda jira in ay tiriyaan codadkii laga dhiibatay doorashada.

Isha Ku Hay Allgalgaaduud Media
allgalgaduud@gmail.com