Guddiga Doorashada Kenya Oo Gacanta Ku Tirinaya Codadkii Laga Dhiibatay Doorashada.

0

uhuru_raila_2Nairobi (AGGM): Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ilaa iyo malinta Jimcaha ee bari si kama danbeys ah loogu dhawaaqi doono natiijada doorashada dalka Kenya, kadib markii uu guddigu bilaabay in uu gacanta ku tiriyo dhamaan codadkii laga dhiibatay doorashada dalka Kenya.

Guddiga waxaa uu sheegay in ay xumaadeen sida uu hadalka  u dhigay qabalkii lagu soo gudbinayay natiijada doorashada dalka Kenya, taasoo keentay in dhamaan guddiga doorashada dalka looga yeero xarunta Bomas oo ah halka ay ka socto tirinta codadka doorshada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya, Axmed Isaaq Xasan ayaa ugu baaqay shacabka dalka Kenya inay dulqaad muujiyaan, iyadoo ay marba marka ka dambeysa ay sii kordhayso walaaca ay dadweynuhu ka qabaan natiijooyinka daahay.

Dhinaca kale waxaa jirta dood weyn oo ka taagan sida laga yeelayo codadka xumaaday ee doorashada, iyaga oo sheegay guddiga doorashada in codadkaa lagu dari doonto tirida codadka la dhiibatay.

Codadka xumaaday ayaa la sheegay in ay gaarayaan 320,000 oo cod, waxaana ay musharixiinta gaar ahaan Uhuuru Kenyaata uu ka baqdin qabaan haddii lagu daro tirada codadka in ay wax u dhimi karto tirada rasmiga ah ee laga rabo musharaxa ku guuleysanaya xilka madaxweynaha.

Dib ugu laabashada tirinta codadka doorashooyinka ayaa waxay meesha ka saartay natiijooyinkii hordhaca ahaa ee maalmahan soo baxayay, kuwaasoo uu ku horreeyay ra’iisul wasaare ku xigeenka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com