Golaha Ammanka Oo Maanta Ka Shiraya In La Qaado Xayiraada Hubka Ee Saaran Soomaaliya.

0

golaha-amaankaNew York (AGGM): Golaha ammanka QM ayaa maanta galinka danbe lagu wadaa in ay ka shiraan mashruuc qabya ah oo ay horey u gudbiyeen dowladdo ay qeyb ka tahay dowlada Maraykanka kaasi oo ku aadan sidi looga jawaabi lahaa dalabka dowlada Soomaaliya ee ku aadan in dalka laga qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

15-ka xubnood ee golaha amaanka QM ayaa marka ay fadhiga isgu yimaadaan waxa ay ka doodi doonaan habka ugu haboon ee Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran.

Dowladsa Maraykanka ayaa waxa ay ku cadaadinaysaa xubnaha golaha amaanka QM in ay fuliyaan dalabka kasoo yeeray dowlada Soomaaliya, balse dowladaha France iyo Briten ay ka walaacsan yihiin qorsheyaasha ka soconaya xarunta QM ee looga tashanayo in xayiraada hubka ee saaran wadanka laga qaado.

Xoghayaha guud QM Ban Kii Muun ayaa waxa laga dhageesan doonaa warbixin kub aadan Soomaaliya uuna kaga hadli doono arimo dhowr ah ay ugu horesyo arinta ku aadan waqti kordhinta ciidamada midawga afrika kaga sugan Soomaaliya oo ay kor ka indha idheyso qm iyo sido kale sidii looga qadi laha wadanka Somalia xayirada hubka saran oo lagu soo rogay dalka sanadii 1991-kii.

Diblomaasiyiin ku sugan xarunta QM ayaa iyaga waxa ay sheegayaan in ay Qatar ka dhalan karto hadii Soomaaliya xayiraada hubka ee saaran laga qaado waxaana ay muujiyeen in hubkaasi suurta gal ay tahay in ay gacanta ay u gali karto xarakada al-shabab.

Amnesty international ayaa waqti hore digniin ka soo saartay in golaha amaanka ay u codeeyaan qorshayaahasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com