War Deg Deg: Cunaqabatayntii Hubka Oo Laga Qaaday Soomaaliya.

0

breaking_news-620x3301New York (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Xarunta QM ayaa waxa ay sheegayaan in Kulan ay maanta yeesheen Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uga dooden Cunaqabataynta hubka ee Saaran Soomaaliya, waxa ay ahayd dhawaan marki ay dowladda federaalka Soomaaliya codsatay in laga qaado Cunaqabataynta.

Gollaha Amaanka ee QM ayaa ku macnaeeyay ka qaadista Cunaqabataynta Hubka inay dowladda Soomaaliya awood u yeelan karto la dagaalanka Kooxaha Argagixisada ah ee Al Shabaab.

Wakaalada Wararka ee Reurters 15ka xubnood ee ka koobanyihiin gudiga ayaa isku raacay Mudo hal sano ah in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta, waxaana ay sheegeen sidoo kale in si buuxda looga qaadi doono Cunaqataynta hubka hadii ay dowladda Soomaaliya awood u yeelato inay xakamayso Hubka gacanteeda galaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com