R/wasaare Saacid Oo Sheegay In Maamul KMG Ah Loo Sameenayo Gobolka Galguduud.

0

IMG_2642Caabudwaaq (AGGM): R/wasaare Saaci iyo wafdi uu hoogaaminayo oo socdaal ku marayay maalmahan gobolka Galgaduud ayaa ka dhawaajiyey in ujeedada safarkiisa ay qeyb ka tahay in maamul loo sameeyo deegaanada gobolka Galgaduud.

Mudane Cabdi Faarax R/wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday “in albaabka horumarka laga galo uu yahay nabadda taasine ay ku timaado maamul hogaan iyo maamul wanaagsan oo bulshada dhanka wanaagsan u hogaamiya”,R/wasaaraha oo sii wata hadalikiisa ayaa sheegay in “dowlada Soomaaliya aysan shacabka ku qasbeen wax aysan dooneen balse ay diyaar u yihiin inay shacabka ku taageeraan rabitaankooda”.

R/wasaare Saacid iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxa ay teer iyo shalay markey gaareen magaalada Caabudwaaq, illaa iyo xalay waxa ay kulamo la qaateen, odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo qeeybaha kale ee bulshoweynta magaalada Caabudwaaq.

R/wasaaraha oo safar ku maraya degmooyinka gobolka Galgaduud ayaa  ujeedka safarkiisa waxaa ka mid ahaa sidii maamulo KMG ah oo lix bilood shaqeeya loogu samayn lahaa degmooyinka gobolka Galguduud kuwaasoo u gogol xaaraya maamul ay shacabku soo doortaan.

Wafdigan ballaaran ee uu horkacayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa xalay waxa ay ku hoydeen magaalada Cabudwaaq, waxa ayna saaka ku wajahan oo ay booqanayaan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com