Doorashada Kenya Uhuuru Kenyaata Oo Ku Horeeya Ilaa Iyo Hadda Natiijada.

0

uhuru-kenyattaNairobi (AGGM): Iyadoo laguuhuru+pix mashquulsan yahay saacadihii aynu soo dhaafnay tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii maalintii ka ka qabsoomtay dalka Kenya guud ahaan, ayaa natiijada hor dhaca ah ee soo baxday waxaa ay muujineysaa in musharaxa madaxweynaha Uhuuru Kenyaata uu ilaa iyo hadda ka horeeyay musharaxa kale ee kula tartamaya xilka madaxweynaha Raila Odinga.

Hoos ka Aqriso sida codadka loo kala hellay mushaarixiinta ugu horeysa

03:30am Uhuru Kenyatta (JUBILEE) 1,227,548 (55.61%)

Raila Odinga (CORD) 876, 552 (39.91%)

Musalia Mudavadi (AMANI) 62,813 (2.84%0

03:25am Uhuru Kenyatta (JUBILEE) 1,212,663

Raila Odinga (CORD) 866,499

Musalia Mudavadi (AMANI) 62,057

03:21am Uhuru Kenyatta (JUBILEE) 1,198,618

Raila Odinga (CORD) 858,133

Musalia Mudavadi (AMANI) 61,124

Dadka reer Kenya ayaa siweyn isha ugu haya natiijada doorashada madaxtinimada dalkaas, madaama maskaxda lagu hayo qalalaasihii ka dhacay doorashadii 2007-dii ka qabsoomtay dalkaasi Kenya, waxaana la leeyahay ilaa iyo caawa fiidkii ayaa si rasmi ah loo soo saari doonaa natiijada kama danbeysta ah cid ku guuleystay xilka madaxweynaha.

Musharaxa Xisbiga Jubilee ee Uhuuru Kenyaata ayaa la saadaalinayaa haddii ay sidan ku soo socto tirinta codadka in ugu danbeytii loogu dhawaaqi doono in uu yahay madaxweynaha dalkaasi Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com