Kenya "Ma Muuqato Ifafaale Dalku Kaga Badbaadi Karo Colaad Sokeeye".

0

doorashadda-KenyaKonton sannadood oo dalku xor ahaa, 3 Madaxweyne iyo 11 doorosho ka dib, saaka, Isniin, 4tii March, dalka Kenya, 14 malyuun oo qof ayaa u dareeray doorashada kala-guurka. Doorashada waxaa loo qorsheeyay in dalku kaga guuro sed-bursi iyo cadaalad-xumo soo jiitamaysay muddo nus qarni ah. Inkastoo dalku la waaberiistay Distoor cusub iyo hannaan geeddi-socod oo lagu hiigsanayo sinnaan iyo horumar, haddana dadku waa dadkii, beeshu waa beeshii, loollankuna waa loollankii u dhexayn jiray beelaha ay ka soo jeedaan labada murashax ee u beritamaya jagada Madaxweyne, Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta.

Ka sokow 8da murashax ee u taagan jagada Madaxweyne, waxaa si dhab ah tartanku u dhexmarayaa Ra’iisal Wasaaraha xilligan, Raila Odinga, iyo kux-xigeenkiisa, Uhuru Kenyatta. Tartan beelaysan oo aan kan maanta ka duwanayn ayaa 2007 labada nin ku dirireen markaas oo Raila Odinga u sharaxnaa Madaxweyne halka Kenyatta uu ka taageerayay Adeerkii, Mawai Kibaki, Madaxweynaha hadda xilka ka sii degaya.

Loollanku kama duwana kii soo jireenka ahaa oo ay lixdameeyadii ku herdamayeen labada murashax aabayaashood, Jomo Kenyatta, Madaxweynahii kowaad ee qaranka iyo madaxweyne ku –Xigeenkiisii Oginga Odinga.

Haddaba, colaaddii ka aloosantay doorashada 2007 waxaa ay galaafatay dad ka badan 1200 waxaana ku barakacay ilaa 600,000. Dalkuna markii uu ku guul-darraystay in uu soo afmeero colaadda waxaa u soo gurmaday waayeelka Afrika iyo madaxda reer galbeedka. Waxaana lagu dhexdhexaaday xukun wadaag. Sidaa darteed, Raila Odinga waxaa loo magacaabay jagada Ra’iisal Wasaaraha ee uu maanta hayo.

Sidoo kale, markii dalku uu ka baaqsaday in wax laga qabto dadkii ka danbeeyay colaadda, waxaa soo faro-gelisay Maxkamadda Denbiyada Caalamka (ICC) oo fadhigeedu yahay Hague. Isla markaa, Maxkamaddu waxay ku soo eedaysay Uhuru Kenyatta iyo jaalkiisa, hadda u la sharaxan Madaxeyne ku xigeenka, William Ruto in ay gacan iyo talo ku lahaayeen dagaalladii sokeeye ee 2007. Labadaba waxaa 10ka bisha April laga sugayaa in ay hortagaan Maxkamadda Heague si ay isaga difaacaan denbiyada lagu soo eedeeyay oo ay ka mid yahiin abaabul xasuuq, dil, kufsi wadareed iyo burburin hanta ummadeed.

Doorashadu waxaa ay ku soo beegantay xilli dalka gudahiisa, deriska iyo dunida inteeda kale aad looga cabsi-qabo in mar kale dib u soo cusboonaato colaaddii. Weliba, doorashadan waxaa ay sii dheer tahay iyadoo loo codaynayo lix xil oo kala ah Madaxweyne iyo Ku-Xigeen, Xildhibaan Gole Sare (47, gobol kasta xal xubin), barlamaanka Qaran (290 xubnood, 47 ka mid ah waa haween), Badhasaab (47 gobol), iyo Golaha Degaanka (1450).

Sannadkii 2012, Kenya waxay la ciirciiraysay guluf, colaad iyo xasillooni-darro. Waxaa dalka gilgilay qaraxyo sirdoonku u aaneeyeen Islaamiyiin xagjir ah. Inta badanna, waxaa lagu eedeeyay Al-Shabaab oo sida la sheegay ka aar gudanaysa dirirta kaga timid ciidamada Kenya iyo kuwa Afrika (AMISOM).

Ciidanka Kenya waxay ka tallaabeen soohdinta, October 2011, iyagoo ku joogay raadka dhowr qof (dalxiisayaal iyo hawl-wadeenno samafal) oo laga soo afduubay gudaha Kenya.Intaa waxaa weheliyay inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa argagaxiso.

Xasillooni-Xumo iyo Saamaynta Doorashada:

Saaka, dalku waxaa uu kala dooran doonaa labo midkood. In la galo burbur aan laga soo waaqsan karin. Ama, sida ku qorshaysan himilada qaranaka ee 2030, dalku inuu u gudbo xasillooni iyo dhaqaale dhedhexaad ah. Kenya waxaa lagaa rabaa walaalaynta qoomiyadaha dalka sida kuwo Afrikaan ah, beelo ka soo jeeda deriska sida Somalida, Tanzania iyo Uganda. Iyo dad ka yimid Aasiya sida Hindi, Carab iyo Faarisiyiin iyo weliba caddaan gumaysi-ka-hadh ah.

Colaadda dalka ku soo fool leh waxaad moodaa inay madaxa la soo kacday sannadkii inna soo dhaafay. Colaad iyo shaqaaqooyin beelaha qaarkood gacanta isu la tageen waxaa kal hore ku qudhbaxay 495 qof, waxaana ku dhaawacmay 346 qof iyadoo ay ku barakaceen 118.074 qof.

Colaaddii 2007 iyo isku-dhaca 2012 weli waxay ka sii guuxayaan maskaxda dadka. Muuqaallo xasuuq ayaa baaqi ku sii ah dadka daneeya gobolka. Xilligaa iyadoo maryo dhiig leh la kala furtay, waxaa u soo gurmaday Guurtida Afrika oo uu horkacayo Kofi Annan, xoghayahii hore ee Qaramada Midoobay. Waxaa labada dhinac lagu dhexdhexaadiyay inay talada wadaagaan. Sidaa awgeed ayaa Madaxweyne Mwai Kibaki Ra’iisal Wasaare ugu magacaabay ninkii ay is hayeen Raila odinga. Taladaas ayaa dalku ku badbaaday 5tii sannadood ee tegay.

Hase ahaatee, mar kale, waxaa soo muuqda ifafaale, in dalku dib ugu laabto mugdigii. Weli xal looma helin dhibtii hore u taagnayd. Tan iyo 1990, Kenya, waxaa laga caadaystay in colaad lagu ladho doorasha kasta. Waxay ahayd 1992 dagaalkii gobolka Rift Valley. 1997 dirirtu waxay gaadhay gobolada Rift Valley iyo Coast. Hase ahatee, 2007 dagaalku waxuu ku baahay dalkoo dhan. Xukuumadda waxaa lagu dhaliilaa inay indhaha ka qarsatay siyaasiyiin joogtaystay hurinta colaad soke. Maxkamadda Denbiyada Adduunka (ICC) ayaa galal dacwado u furtay labo siyaasi oo u sharraxan jagada Madaxweyne. Raggaa waxaa loo haystaa, doorashadii 2007, inay ku kaceen denbiyo dagaal iyo kuwo lid ku ah dadnimada. Haddana waxaa jira cabasho inaan loo sinnayn saaxadda tartanka.

Weliba doorashada soo socota waxay leedahay halisteeda iyadoo distuurka cusub uu jidaynayo in markii ugu horraysay loo wada codayn doono madaxtooyo, xeeerdejin, aqalka sare, gole degaan iyo badhasaabada gobolada. Shaqo la’aan maraysaa 40% iyo musuqmaasaqa baahay ayaa iyaguna soo dedejin kara colaadda. Musuqa ragaadiyay hay’adaha dawladda waxaa laga arki karaa barlamaanka oo dhowaan ansaxsaday in loo dhiso gole casri ah, ka sokow dhismaha waxaa kuraasta oo dhan 350 kursi kasta lagu qiimeeyay 5,000 doolar.

Madaxweyne Mwai Kibaki waxuu dalka gaadhsiisay horumar dhaqaale oo soo jiittay maalgaashiga shisheeye. Koboca dhaqaale ee 2012 waxaa Baanka adduunku ku sheegay 5%. Balse Kibaki kuma uu guulaysan inuu maareeyo muranka siyaasadeed. Dawo looma helin cuqdaddii laga dhaxlay doorashada, ilaa haddana xal looma hayo necaybka iyo tuhunka dhex yaalla qoomiyadaha. Durbaba shaqaaqo cusub ayaa ka dhex ooggan gobolada xeebta taasoo ay isku dhaceen beelaha Orma iyo Pokomo.

Duruufaha Somaalida Kenya: Xaafadda Eastleigh, waxaa deggan tobonaan kun oo Somaali ah kuwaas oo isugu jira muwadiniin dalka u dhashay iyo in ka sii badan oo qaxooti ah. Xaafaddu waxay la mid tahay magaalooyin kale oo Somaalidu si buuxda u cammireen sida Minneapolis, Toronto, Rome iyo Helsinki. Hase ahaatee, Eastleigh waxaa u dheer tahay iyadoo ah barta laga maamulo ganacsiga dalka oo si buuxa ugu jira gacanta Somaalida. Waxaa ku yaalla suuqa ganacsi ee ugu weyn Bariga iyo Badhtamaha Afrika.
Haddaba, si loo wiiqo hodontinimada iyo ganacsiga Somaalida, beryahan waxaa soo kordhay colaad lagu baro-kicinayo ganacsatada. “Dalkeennii waxaan uga soo qaxnay dil, xumaan iyo dagaalada Kooxda Al-Shabaab.” Sidaa waxa yidhi Somaali ka ganacsade Eastleigh, isagoo ku ladhay, “halkanna waxaan kala kullanay dhaqankii oo kale waayo dadka degaanku waxay u arkaa in aannu nahay Al-Shabaab.”

Kenya waxay marti-gelisay boqolaal kun oo Somaali ah. Iminka waxaa dalka ku sugan qaxooti gaadhaya 500,000 kuwaas oo Somaali u badan. Run ahaantii waxay u badan tahay in la joogo xilligii dib loogu noqon lahaa geyigii. Waxaa is biirsaday nacayb ka dhashay ganacsiga iyo horumarka Somaalida, dhaqaale xumo iyo colaad sokeeye iyo dirirta kooxda Al-Shabaab oo lagu shaabadeeyo dhibaata kasta oo soo korodha. .

Xassan Cumar Hoorri
horri@somalisun.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com