Gudoomiyihi Gobolka Bay Oo Xilki Wareejiyay Iyo Wasiiro Ka Qeybgalay Xaflada Xil Wareejinta.*Dhagayso*

0

wasiiroBaydhabo (AGGM): Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirka  Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxay shalay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Wasiika Arrimaha Gudaha ayaa waxaa socdaalkaan ku wehlinaaya Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Saraakiil Ciidan.

Wasiirada ayaa waxay ka qeyb galeen Munaasabada xil wareejin ah, oo uu xilka uu ku wareejinayay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Baay C/Fataax Maxamed Ibraahim “Geeseey”.

Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow, ayaa wuxuu maanta uu la wareegi doonaa Xafiiska shaqada, kolka uu si rasmi ah uu maanta uu ugu wareejiyo C/Fataax Geeseey.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Wasiirka Arrimaha Gudaha.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/CODKA-WASIIRKA-GAASHAANDHIGA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Hoose K Dhagayso Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/CODKA-WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHA-IYO-AMNIGA-QARANKA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com