Wararki Ugu Dambeeyay Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose waxaa ka soconayay maalmihii ugu dambeeyay shir la sheegay in maamul goboleed la magac baxay jubbaland loogu samaynaayo gobolada jubooyinka iyo Gedo kaas oo ay ka qaybgalayeen xubno kala duwan oo is uruursaday.

Waxaa sidoo kale jira culuma’udiin waxgarad odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin goboladaasi u dhashay oo si weyne uga soo horjeeda maamul u samaynta xiligan gobolada jubboyinka iyo gedo iyagoo ku doodaya in waqtigan aaney ku haboonayn ka hadalka mowduuca la xiriira maamulka goboladaasi maadaama inta badan deegaanada la doonayo ay gacanta ugu jiraan falaagada Al Shabab.

Inkasto xubnaha ka qaybgalayo shirka kismaayo ay yihiin dad u dhashay gobolka maamulka loo samaynayo hadana waxaa ay dadku leeyihiin ma ahan kuwa ay ka go’do talada goboladaasi sidaa darteed waa arimo dana kale laga leeyahay.

Ma uu jiro waqtigan wax shir ah oo ka socdo magaalada Kismaayo, balse maalinba maalinta ka dambeeysa waxaa kasoo baxaya warar  sheegaya in uu shirka dib u furmayo.

Dhinaca kale maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo iyo gudiyada maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo waxa ay safar ku tagayaan maalinimada khamiista soo socota magaalada muqdisho si ay wadatashi ulla soo sameeyaan dowladda federaalka soomaaliya.

Shirka waxaa horboodaya oo qaban qaabadiisa iska leh  xubno ka tirsan maamulka KMG ah ee magaalada kismaayo kuwaas oo la rumaysan yahay in damac siyaasadeed uu uga jiro hogaaminta maamulka qorshahooduna yahay in xubnaha isugu yimid ay dhisaan waqtiyada soo socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com