Gobolka Banaadir Oo Sheegay Inay Barakacayaasha Dejin Doonaan Laba Goobood Oo Duleedka Muqdisho Ah.

0

cabdi kafiMuqdisho (AGGM): Xogayaha gobalka banaadir cabdi kaafi hilowle cismaan oo la hadlaayay boqol dad weynaha oo ku sugnaa xerada badabaado ee dagmada dhar keleyn ayaa sheeegay maamulka gobalka banaadir ay wadaan qorshayaal logu doonaayo in loga raro gudaha magaalada dadka barakacayaasha ah islamarkaana la dajiyo duledka muqdisho

Cabdi kaafi hilowle ayaa in taasi ku daray in dhawaan ay qorsheyen laba gobood   oo ku yaala duledyada magaalada muqdisho ay dajindonaan dadkaasi barakacayaasha ah sida celmacaan iyo jasiira isagow xusay in arintaani ay qeyb ka tahay dib u dhiska iyo bilic soo celinta caasimada muqdisho,,,,,,,

Sidoo kale xogayaha gobalka banaadir cabdi kaafi hilowle ayaa sheegay in maamulka gobalka banadir ay qorsheyeen tilabtaasi tilaabada xigta ay noqon doonto dadka barakacayaasha ay dib ugu celin donaan deganadii ay ka soo hayameyn iyagow is kaashi la sameynayaa qar ka mid ah heyadaha sama falka si dadkaasi beerihi iyo guryohooda dib logu celin doono arintaasina ay mel wanaagsan ay u mareyso,,,,,

Ugu danbeyn qarka mid ah dadka barakacayaash ah ay ku dhaqan xerada badbaado oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa soo dhaweeyay arintaasi la doonaayo in dib loogu celiyo gobaladooda iyagow sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin ayna soo dhaweynayaan in degaanadooda dib loogu celiyo ay marki hore ay ka soo hayameyn abaartii darned ay sameysay dadka iyo dunyada

Isla markaana dowlada soomaaliya ka codsaday in laga xureyaan qeybaha yar ay ku harsanyihiin maleyshiyada al shabaab gobalada qaar ee koofurta iyo bartamaha soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com