Ismaaciil Cumar Geelle "Doorashada Baarlamaanka Jabuuti Cadaalad Ayay U Dhacday".

0

Geelle-618x393Djabuti (AGGM):Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa difaacay natiijadii doorashada Baarlamaanka Jabuuti ee todobaadkii hore ka dhacday dalkaas, waxa uuna sheegay in aan lagu shuban sida ay ku doodayaan Mucaaradka.

Waxa uu sheegay Geele in natiijada iyo kuraasta badankeed oo ay haleen Xisbiga talada haya ee UMP, ay ahayd wax la sugayay waa sida uu sheegaya Geele.

Madaxweyne Geele oo la hadlaya Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in aysan arintaas ahayn mid xaqiiqo ah in lagu shubtay ama la Musuq masuqay Kuraasta baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday hab cusub oo aan horay u jirin, isagoo tilmaamay inay joogeen goob joogayaal caalami ah oo kormeerayay doorashada, isla markaana natiijada si sax loo soo bandhigay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com