Baabuur Siday Lacag Been-abuur Ah Oo Lagu Qabtay Magaalada Beledweyne.

0

Lacag-SoomaaliBaledweeyne (AGGM): Ciidanka ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa maanta qabtay gaari siday lacag been-buur ah oo la doonayay in la geliyo magaalada.

Kornayl Cali Cabdi Mahad-Alle ayaa sheegay in lacagta la qabtay oo ah shilin Soomaali lagu farsameeyay degmada Cadaaado ee gobolka Galgaduud, lana doonayay in la geliyo suuqyada magaalada Beledweyne.

Kornayl Cali wuxuu sheegay inay lacagta ku jirtay 25 jawaan, iyadoo halkii jawaan ay ku jirtay lacag lagu qiyaasay 20 milyan oo shilin Soomaali ah.

Dhinaca kale, kornaylka wuxuu sheegay in xalay la xiray sagaal qof oo khamaar cayaareysay kaddib howlgal ay ciidanka ka sameeyeen xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com