Axmed Madoobe Labada Dhinac Ee Is Haya Dhinac U Bado, Amaba Isaga Dhexbax, Yaadan Dhexdooda Ku Dhumin'e.

0

faroole iyo axmed madoobeSoomaalida waxa y ku maah maahdaa (Laba Maroodi Halka Ay Ku Diriraan Cowskaa Ku Dhamaada) Waxaad moodaa in Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) xabad iyo dagaal aan isaga ku socon in uu isu dhigayo sida muuqatana uu dhexdooda ku dhumi doono.

Axmed Madoobe waxa uu kala saari waayay in siyaasada saaxiib joogta ah lahayn ee ay leedahay danno joogto ah, haddaba su’aal aan isweeydiin’e Axmed Maxamed Islaam, Gudoomiyaha gobolka Bari Mr. Faroole iyo Gudoomiyaha gobolka Gedo Mr. Kaliil keebuu danno joogta ah la wadaagaa?

Qofki siyaasada fahansan horey ayuu ka fahmayaa waxa ay jawaabtu tahay kaan fahansaneena hadde waa yeelkaa baan leeyahay meel cidla ah ayaad ku dhiman.

Waxaan ku talinyaa in caqligu shaqeeyo oo Axmed Madoobe Jubbooyinka ayuu joogaa baroorta ay Puntland ku darsaneyso iyo kula daarshadeeda ah (Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban) inuu dantiisa ka raacdo haduusan caqligu shaqeeyna oo uu garan halka danta ugu jirtana hadde beri cidna yuusan ku eedin.

Xogta aan helayo aan ka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegaysaa kadib marki uu fashilmay shirki maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo ee maalmo ka hor ka furmay magaalada Kismaayo in durbaba beelaha qaarkood ay bilaabeen in ay ku gorgortamana Madaxweyne ku xigeen hanalasiiyo adinkana qaata Madaxweyne nimankan waa fashilmeen’e, intaas ka badan xogtaas u dhaafi maayo.

Dhinaca kale marnaba lagama yaabo inay shaqeenayso siyaasada foosha xumeed ee ahayd Halloow Garoowe, Halloow Gaarisa, Halloow Jigjiga, ee waxaan ku talinayaa in xisaabtaas dib loogu laabto inta ay goori goor tahay kama uu soo yeerin maskax fiyoow’e.

Isku soo wada duub oo waxaan dhoowrnaaba waa halka ay jaan iyo cirib dhigato boola xoofteeynta ka socota magaalada Kismaayo iyo ninka dhulka u soo harra.

Maxamed Cali Faarax
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com