Odayaal Iyo Waxgarad Diidan Shirka Maamul U Sameynta Gobollada Jubbooyinka Iyo Gedo Oo Ku Shiray Magaalada Kismaayo.

0

sawiro11Kismaayo (AGGM): Iyadoo magaalada Kismaayo laga wado qaban-qaabo la xiriirta shirka maamul u sameynta gobollka Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa haddana dhianca kale waxaa jira odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolladaa oo siweyn uga horjeeda shirkaas.

Odayaal iyo waxgarad ku shiray magaalada Kismaayo oo qaarkood la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada ay ku yeesheen magaaalada looga wada hadllayay xiisadii ka dhalatay dagaallkii dhawaan ka dhacay Kismaayo iyo waliba sidii loo joojin lahaa shirka qaban-qaabadiisa laga wado Kismaayo.

Nabadoon C/llaahi Cali Siidoow oo ka mid ah waxgaradka sida weyn u mucaaradsan shirka maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doono kulankaas, waxaana uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay joojiso fara-galinta siyaasadeed ee ka baxsan howlaha militari oo ay ka wado Jubbooyinka.

Laakiin haddana mar aad dhinac kale eegto waxaa jira waxgarad iyo odayaal hal beel kasoo wada jeeda oo siweyn u soo dhaweynaya in la qabto shir bulshada ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uga arinsadaan ayaahooda kuna sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com