Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Kama Qeyb Galayno Shirka Ka Socda Kismaayo. *Dhagayso*

0

kaliil111Garbaahaarey (AGGM): Gudoomiyaha maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo maamulka gobolkaas aysan wax ergo ah udirin unna dirsan doonin shirka shalay ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiye Kaliil oo u waramay idaacada BBC-da ayaa sheegay in aysan xiligan suuragal ahayn maamul usamaynta Jubbooyinka, aysana jiri doonin ergo ka tagta gobolka Gedo oo magaalada Kismaayo uga qeyb gasha shirka lagu sheegay maamul usamaynta Jubbooyinka.

Halkan Hoose ka Dhagayso warka oo dhameystiran.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/02/kaliil_wareysi_bbc.mp3-audio-mpeg-Objekt.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com