Warsaxafadeed: Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho*Daawo Sawirada + Video*

0

2Muqdisho (AGGM): Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixino laga dhagaystay Wasiiro ka soo noqday safaro shaqo oo ay ku tageen dalalka Suudaan iyo Ethiopia, Amniga, iyo Ansixinta Tariifo ku meel gaar ah oo lagu qaadayo canshuuraha.

Ugu horayntii Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Howlaha Guud iyo Wasiirka Khayraadka  oo safar shaqo ah ku tagay dalalka Suudan iyo Ethiopia waxayna sheegeen in ay shirar la qaateen dhigooda dalalkaas ayna ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib u dhiska, waxbarashada iyo soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee  dalka.

Sidoo kale Golaha ayaa ka dooday sharciga Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya oo ay dowaldu ku tala jirto in ay dhawaan howl galiso, kadib marka loo sameeyo sharci lagu maamulo, Banigaga Horumarinta ayaa laf dhabar u ah dhiiri galinta ganacsiga iyo horumarinta dadka dan yarta ah, sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada. Waxaa kale oo golluhu maanta ka dooday sharciga Nabad sugida iyo Booliiska iyadoo lagu heshiiyey in la meel mariyo todobaadka soo socda marka golaha wasiiradu isugu yimaadana kulankooda caadiga ah.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey guulaha Ciidamada Dowladu ay ka gareen wadada isku xirta Shabeelada Hoose iyo Bay, iyadoo dhawaana la filayo in laysu furo isu socodka Gadiidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirada ayaa ansixyey qiimaha Canshuurta si ku meel gaar  ah, iyagoona ka codsaday Wasaarada Maaliyadda in ay ku keento Golaha hortiisa mudo sadex bilood ah Jaangooyn dhamaystiran oo lagu qaado canshuuraha ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM

4 (2)

1 (2)

4 (2)

6 (2)

7

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com