Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay In Ay Furan Tahay Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Baydhabo

0

R.Wasaare SaacidMuqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa talaabo muhiim ah ku tilmaayay la wareegistii ciidamada dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen deegaannka Buurhakaba.

Ra’iisal wasaare Shirdoon ayaa hadda la oran karo waa ay furan tahay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Baydhabo, kadib markii sida uu hadalka u dhigay amniga wadadaas ay xaqiijiyeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.

‘’Waan ku hanbalyeeynayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM howlgalka ay ka sameeyeen wadadaas, kooxaha argagixisada dhibaato weyn ayeey ku hayeen dadka shacabka ah, laakiin haddana arrimahaa waa ay soo dhamaadeen,’’ ra’iisal wasaare Saacid.

Waxaa kaloo uu sheegay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya in talaabada tan xigta ay noqon doonto in ay isku furaan wadada isku xirta sida uu hadalka u dhigay magaalada Jowhar iyo Baladweyne oo hadda qeybo ka mid ah gacanta ku hayaan maleeshiyada kooxda Al-shabaab.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Buurhakaba ee gobollka Bay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com