Jubbaland Miyey Dhisantay Mise Waa Ay Burburtay?

0

MaqaalXaaqiiqdu waxa ay tahay in gabi ahaan deegaanada amaba gobolada dalka Soomaaliya ay u wada baahan yihiin dadka ku nooli inay heelaan maamul u adeega buslahada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka ee aan lahayn maamulka.

Cinwaanka maqaalka ayaa waxa uu yahay Jubbaland Miyey Dhisantay Mise Waa Ay Burburtay??

Haddaba jawaabtu waa ay sahlan tahay qofka maanta aaminsan in uu furmay shirweeyne lagu dhisayo maamulka Jubbaland waxa uu noqon karaa uun laba midkood oo kala ah sidan.

1- Qof ay Caadifad qabiil heeyso kana fog caqli iyo cilmi.

2-Qof indha la’a oo xil uu in uu qabto ay uu muuqato balse aysan u muuqan danta dadka wada daga Jubbooyinka iyo Gedo, Dastuurka dalka waxa uu dhigayo, awooda dowladu leedahay iyada oo tiigsanayna sharciga iyo Shuruucda lagu yagleeli karo maamul goboleed cusub.

Run ahaanti waxaan leeyahay waa nasiib daro balse runta lama qarin karo, waxaan leeyahay Jubbaland maanta ayay burburtay, waxaana mahad iyo abaal looga hayaa Kenya iyo Puntland  oo ku guuleeystay shirqooladi ay maleegayeen oo ahaa labadan arimood.

1- Kenya oo ku guuleeystay in qeeybo kamid ah Soomaaliya ka soo cusboonaadaan dagaalo u dhexeeya qabiilada Soomaaliyeed, dhiig fara badan oo Soomaalliyeed oo daata si Kenya mudo dheer ugu sugnaato dhulka Soomaaliyeed, maalinbana reer kamid ah beelaha Soomaaliyeed isticmaasha.

2- Puntland oo ku guuleesatay inaan la dhisin maamul goboleed kale oo ay yeeshaan beelaha kale ee Daarood,sabatoo ah sidaad la socoto Puntland waxa ay in mudo ah ku gogor tami jirtay inay matasho beelaha daarood, taa oo aysan marnaba ka tanaasuleeyn cidi isku dayda inay maamul sameeysatana ay dagaal toos ah iyo mid dadbana ku qaadeeyo Bravo Puntland.

(A)Qilaafki u dhexeeyay maamulka Faroole iyo mucaaradkiisa ayaa dadka kala tageersanaa waxaa lagu mashquuliyay arimaha ka socda Jubbooyinka qilaafki iyo cabsidi dagaal ee ka jirtay Puntland-na waxaa loo waxay loo soo raray deegaanada Jubooyinka iyo Gedo. Bravo Puntland

(B)Maamulka Faroole oo ku guuleeystay in dadki shacabka ahaa ee taageersanaa Puntland ay u arkaan maamulka mid shaqo weyn qabtay iyo mucaaradki oo cidlo taagan.Bravo Puntland

Suuragalinta arimahaas iyo fikradahaas oo dhan ayaa waxaa looga mahadinayaa oo qeeybta ugu weeyn ka qaatay Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo aan haba yaraato’e fahmin cayaarta sida ay u socoto balse ku dhacay dabinki lagu xalaaleysan lahaa dhiigooda.

Xagee Ku Danbeyn Doonaan Horjoogeyaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni Iyo Maleeshiyadooda?

Arintaan ayaa waxa ay dood dheer ka sameeyeen dadka Caqliga iyo Cilmiga saaxiibka u ah marki ay dib u eegeen taariikhda ayaa waxaa u soo baxay laba arimood midkood inay ku danbeyn doonaan kuwaa oo kala ah sida.

1- In la arki doono horjoogeyaasha maleeshiyada Raaskambooni oo ay ciidamado ka tirsan AMISOM xabsiga u taxaabaan, kadibna sawiradooda lagu arko iyaga gacmaha ka xiran webside-yada ku baxa afka Soomaaliga.

2- Alle subxaanuhu watacaalaa ayaan ka magan galnay’e marnaba huri meeyso in Jubbooyinka ay ka dhacaan dagaalo faraha looga gubtay oo aanu maqalno HEBEL dagaalka ayuu ku dhintay amaba HEBEL waa dhaawac culus amaba HEBEL xadka Kenya ayuu ka gudbay.

Isku soo wada duub oo taariikhda waa ay is qortaa maalinba waa heer waxaad moodaa taariikhdu maanta inay taagan tahay 1991 iyo jabhadi SPM ee ka dhaga adeegtay baaqyadi dowladdi dhexe ee Soomaaliya, waxaanu dhoowrnaaba waa halka ay ku dambeyaan jabhada Jabhada Raaskambooni.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdi Cabdulaahi Cismaan

Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com