Golaha Ammaanka Oo Ka Shiraya Qafiifinta Cunaqabateynta Hubka Ee Soomaaliya.

0

golaha-amaankaNew York (AGGM): Golaha ammaanka QM  ayaa todobaadka soo aadan ka doodi doono suurta galnimada sidii loo qafiifin lahaa xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya taasi oo ay horey u dalbatay dowladda Soomaaliya.

Madaxda Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa dalbaday in laga qaado Soomaaliya xayiraada hubka dalka lagu soo rogay sanadii 1992-kii.

Waxa soconayay todobaad yadii hore ee ina soo dhaafay wada hadalo ay 15-xubno ee golaha amaanka ay ku lahaayeen xarunta QM waxaana ay ka arinsaneyeen suurta galnimada in la qafiifiyo xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa difaacaya arinta ku aadan in la qaado cunaqaabatenta hubka ee saaran Soomaaliya halka ay jiraan in dowladaha midawga yurub ay ka walaacsan yihiin in hubkaasi ay gacanta u gali karaan falaagada Al Shabaab.

Diblomaasi golaha amaanka u hadlay ayaa sheegay in arintaani ay noqon doonto isku dheeli tirnaanta lagu xaqiijinayo awooda xukuumada soomaaliya ay u leedahay sidi ay u xakameyn laheyd hubkaasi soo galaya Soomaaliya tusaale ahaan hal sano ayaa indhaha lagu eegi doonaa hadii ay arimaha sameyso.

Dowladaha midawga yurub ee golaha amaanka qeybta ka ah golaha ayaa ka digaya in nidaamka difaaca hubka gantaalaha lidka ku ah diyaradaha aan suurta gal ahayn in Soomaaliya la siiyo.

Qaraarkan ayay ka doodi doonan xubnaha golaha ammaanka QM kaasi ku aadan sidii waqtiga loogu kordhin lahaa howlgalka AMISOM  ee Soomaaliya ay ka wado ee ku eg 7-bisha march.

Qaraaradani ayaa dhamaantood waxa laga doodi doonaa 6-bisha march ee soo socota.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com