Falaagada Al Shabaab Oo Baaq U Dirrtay Shacabka Dalka Kenya.

0

Shabaab-afduub1Muqdisho (AGGM): War-saxaafadeed ka soo baxay falaagada Al-shabaab ayaa waxaa ay ugu baaqeen shacabka dalka Kenya in ay markan heystaan fursad ay ugu yaraan uga fikiri karaan ayaahahooda siyaasadeed doorashada soo socta.

Waxaa lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay falaagada Al-shabaab in dhibaatada ugu weyn ee heysta maanta shacabka ku dhaqan dalka Kenya ka dhalatay ciidamadii ay dowladda Kenya u soo dirtay dalka Soomaaliya, kuwaas xasilooni darro iyo nabad-galyo la’aan u keenay shacabka ku dhaqan gudaha dalka Kenya.

“Dalkiinu wuxuu ku naaloonayay nabad iyo xasilooni, ma jirin maxaabiis u dhashay Kenya oo Soomaaliya lagu heysto, wax walwal ah meydan ka qabin in dhibaatada Soomaaliya ay dalkiina kuo baahdo, laakiin maanta iyadoo laga shallaayayo go’aankii dawladdiina ayuu xaalka dalkiinu kasii darayaa, dhaqaalihiinu wuu sii liidanayaa, ammaankiinana faraha ayuu ksiia baxay,” ayay falaagada Al-shabaab ku tiri warka ay soo saartay.

Dadka reer Kenya ayaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah ee soo socta u darreen doorasada ka dhici doonta dalkaas, waxaana hadda socta qaban qaabo weyn oo loogu jiro sidii doorashadaas looga qeyb-qaadan lahaa.

Sidoo kale falaagada  Al-shabaab waxaa ay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in marna aanay ku khasaareyn dagaalka ay sheegeen inay ku difaacayaan waxay ugu yeereen cadowga soo xad-gudbay, halka dadka reer Kenya aysan faa’iido ugu jirin duulaanka dowladdoodu ay ku soo qaaday Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka falaagada Al-shabaab ay soo saartay gellinkii dambbe ee shalay ayaa lagu soo beegay xilli dalka Kenya la filayo inay doorashooyin ka dhacaan afarta bisha Maarso ee soo socota, iyadoo la xusuusto in sannadkii 2007 ay doorashooyinkii Kenya ka dhacay ay sababeen dhimashada dad fara badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com