Baaq Ku Wajahan Dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya Iyo Beesha Sade Dalka Iyo Dibadaba.

0

baaqLobamba (AGGM): Waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Allaah Subxaanahu Watacaalaa, waxaan kale oo aan aad iyo aad ugu mahadinayaa go’aanka ay qaateen Odayaasha dhaqan, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Saraakiisha iyo qeybaha kale ee Beelweynta Sade ee maalmihi la soo dhaafay ku shirsanaa magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.

Sida aad la socotaan maalmihi la soo dhaafay waxaa shir uga socda magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo Odayaasha dhaqan, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Saraakiisha iyo qeybaha kale ee beelweynta Sade waxa uuna soo gabagaboobay maanta, waxaana ka soo baxay go’aamo muhiim u ah dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Beesha Sade.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa dhamaan qeybaha kale ee beelweynta Sade inay u hogaansamaan islamarkaan taageeraan go’aamada ka soo baxay shirki aaya ka talinta beesha Sade ee ku soo gabgaboobay magaalada Garbahaareey.

Waxaan kale oo ku baaqayaa cidi barbar marta go’aamadaas amaba ka been sheegta in go’aan wadajir ah iyo talaabo deg deg ah looga qaado meel walba oo ay joogaan.

Waxaan kale oo aan baaq kaa lamid ah u dirayaa madaxda dowladda Soomaaliya sidoo kale iyaguna inay taageeraan soona dhaweyaan go’aamada ka soo baxay odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Saraakiisha iyo qeeybaha kale ee beelweynta Sade,islamarkaana ay talaabo nagala qaadaan cid walba oo isku dayda inay barbar maraan go’aamadaas beesh Sade ay gaareen amaba ka been sheegaan xaqiiqda hadii ay ku sugan yihiin dalka gudihiisa iyo dalka dibadiisaba.

Gabgabadi waxaan rajeenayaa in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan wadajirka qiimaha uu u leeyahay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, qof walba oo Soomaali ahna waxa uu wax ku yahay qofka kale ee Soomaaliga ah.

Maxamed Xasan Faarax (Geesey)
Lobamba, Swaziland

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com