Wararki Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka  naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta Magaaladaasi uu ka dhacay kulan  dhexmaray saraakiisha Amisom iyo Odayaasha  Dhaqanka Beesha Sade.

Kulankaan ayaa waxaa loga  arinsanayay so afjarida  shaqaaqadi ka dhacday magaalada Kismaayo maalmo ka hor waxaana  odayaasha iyo saraakisha amisom ay isla fahmeen in laga  gudbo .

Inta uu kulankaasi  socday ayaa waxaa la isla  gartay in Ciidamadi isku fara saray bartmaha magaalada in la wada keeno  Airporka magaalada  isla markaana la isku  dhafo dib u habeyn na lagu sameeyo.

Wararki ugu danbeyay  ee aanu kismaayo ka helnay ayaa waxaay sheegayaan in ay socoto  soo dabulida ciidamadi  iska hor imaadka uu dhex maray  bartamaha magaalada.

Dhanka kale  Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu  bixiyay  duugti dadki ku dhintay dagaalki ka dhacay magaalada kismaayo ayado qofkiba  laga bixiyay  3000 kun oo dallar  waxaana maamulku balanqaday in ay bixinayaan  Magta   dadki ku dhintay  dagaaladi ka dhacay Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com