Warsaxafadeed Ururka Sahal "Madaxwayanaha DF Oo Diiday Dhisitaanka Maamul U Samaynta Gobolada Jubbooyinka".

0

 Horudhac: SAHAL3Ururka Sahal ka dib

a) markuu u kuurgalay si dhowna qiimayn ugu sameeyey tilaabooyinka is daba-jooga ah oo meel ka dhaca ah oo Madaxwayne Xasan Shiikh iyo xulufadiisu ay ka wadaan arimaha gobolada Jubbooyinka isla markaasna arkay guuxa siyaasadeed ee kasoo yeeraaya magaalada Muqdisho.

b) Markuu arkau arin ugub ah iyo taariikh mugdi ah inuu Madaxwaynaha iyo xulufidisa ay shaqadadooda 1aad ka dhigteen ka hortagista dadka Soomaaliyeed ee dagan gobolada Jubbooyinka oo ku heshiiyey inay qabsadaan shirwayne lagu hirgelinaayo maamul goboleedka Jubbaland kaasoo ah nadaam iyo kala danbayn ay ku kala badbaadaan taasoo tilaabo ku dayasho u ah dadka ku nool gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

c) Markay u muuqatay in boogtii 22ka sano jirsatay oo hadda qolof-satay ay madaxwaynaha iyo kooxdiisu ay rabaan inay dib u huriyaan dhibkii iyo colaadii dagaalka sokeeye ee ummadda Soomaaliyeed horey uga soo gudbtay.

 

 Sidaasi ururka Sahal waxuu soo saaray qodobada soo socda:-

1. Waxaan tacsi u diraynaa ehelada iyo dhammaan dadkii ku dhintay shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo;

2. Waxaan ugu baaqaynaa waxgaradka iyo siyaasiinta ku sugan magaalada Kismaayo in laga shaqeeyo ka nabada, midnimada, walaalaynta dadka wada degan Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka isla markaasna laga hortago wax kasta oo keeni kara isku dhac iyo kala shaki;

3. Waxaan si buuxda u taageersanahay shirkii dhowaan lagu qabtay magaalada Birmingham kaasoo isugu jiray, tacsi, baaq iyo dhiirigelin ku wajahan mamul u samaynta gobolada Jubbooyinka;

4. Waxaan si adag u cambaaraynaa isku daygii dilkii la rabay in magaalada Muqdishu loogu gaysto Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ahxildhibaanadda Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed kuwooda uga kartida, daacadnimada, iyo xilkasnimada badan. Waxaan u aragnaa in isku dayga dilka Xildhibaan Cabdirashiid Xidig uu yahay mid loogu dan lahaa in lagu carqaladeeyo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka isla markaasna waxaa la aaminsan yahay inuu ahaa mid ay soo abaabuleen siyaasiinta xafiiska madaxyanaha ee Villa Sooomaaliya;

5. Waxaan fariin deg deg u diraynaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee degan gobolada Jubbooyinka inay isku tashadaan kana talo-baxaan hagardaamada iyo maaweelada dawlad ku sheegta ah ee Xasan Shiikh horjoogaha ka yahay iyo kooxdiisa NGO-yada ku salaysan;isla markaasna ay hirgaliyaan maamul goboleedka Jubbaland;

6. Gudiga maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka waxaan ka dalbaynaa inaad guntiga dhiisha isaga dhigtaan isla markaasna aad u dhabar adaygtaan dhib kasta oo idin soo wajahda oo dhidibada u aastaan mamul goboleedka Jubbaland;

7. Waxaan si adag uga soo horjeednaa in shirarka iyo abaabulka magaalada Muqdisho ay ka wadaan madaxwayne Xasan Shiikh, xisbigiisa, iyo kooxo yar oo abtirsada gobolada Jubbooyinka oo dhuuni-raac ah kuwaasoo ku midoobay hindise  la xiriira in Xamar laga soo magacaabo maamul ku meel gaar ah loo sameeyo Gobalada Jubboyinka;

8. Ugu danbayntii waxaan ka digaynaa in haddii madaxwayne Xasan Shiikh, iyo kooxdiisu aysan faraha kala bixin arimaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka, waxaan horseedi doonaa kacdoon ay beelaha degan gobolada Jubbooyinka, Puntland iyo Galgaduud ay kalsoonida kala noqdaan dawlada Fadaraalka ah taasoo loo aqoosan doono inay ku xadgudubtay dastuurkii fadaraaliga ahaa ee lagu soo doortay.

 Wa billaahi towfiiq

Bayaankan waxaa soo saaray ururka Sahal

Taariikh: 26th February 2013

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com