Warsaxaafadeed: R/wasaaraha JF Soomaaliya Oo La Kulmay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.*Daawo Sawirada*

0

DSC03721Muqdisho (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed (Commanda Bolisiya) saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulankan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

Dhanka taliska Booliska waxaa goob joog ahaa taliyeyaasha guud, Abaanduulayaasha, taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa saldhigyada degmooyinka.

“Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa dib u soo celinta amniga caasimadda oo maanta aan oran karo waa markay ugu amniga wanaagsaneyd magaaladan Xamar tan iyo burburkii dalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu asaga oo xusay inuu ka war hayo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan ciidanka Boolisku.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale faray saraakiisha in xal loo helo fal dambiyeedka ay ka midka yihiin dhaca, dilka iyo kufsiga, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri.

“Gabar Soomaaliyeedbaa la kufsaday ninkii kufsadayna lama hayo, waa wax laga fiican yahay, qofbaa la dilay gacan ku dhiiglihiina lama hayo micnaheedu waa sharci ma jiro. Waxaan idin farayaa in dambiilayaasha la qabto mudnaantoodana la ma mariyo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in kor loo sii qaado sugida amniga dalka, shacabka Soomaaliyeedna ay helaan ammaan buuxa si noloshu caadi ugu soo noqoto. “Waa in qofku amni ku helo gurigiisa iyo beertiisa kalsoonina ku noolaado.”. wuxuuna intaasi sii raaciyay “Si aad taasi u suurtagelisaan dowladdu wey idinla garab taagan tahay wixii taageero ah”.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa salaan ka qaatay kooxda Banbeyda, isaga oo kormeeray qeybaha kala duwan ee taliska.

—Dhamaad—

Garad Salad Hersi
Press officer
Mogadisho, Somalia

DSC03841

DSC03833

DSC03721

DSC03809

DSC03828

DSC03801

DSC03743

DSC03737

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com