Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan Oo Shalay Galinki Dambe Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

morganKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Gen. Maxamed Saciid Xirsi (Morgan) uu shalay galinki dambe soo gaaray magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa waxaa nasoo gaariisyay ilo wareed aanu si aad ah ugu kalsoonahay oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Gen. Morgan ayaan waxaa ilaa hadda la ogeen sababaha ka dambeeya imaatinkiisa magaalada kismaayo, mana ay jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen Ciidamada Dowallada iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee isku horfadhiya gudaha magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duub oo Magaalada Kismaayo ayaa ilaa hadda daganaan aan cago badan ku taageen ay ka jirtaa, balse waxaan la sadaalin karin daganaanta hadda ka jirta inta ay sii jiri doonto.

Wararka magaalada kismaayo kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com