Falaagada Al-shabaab Oo Isaga Haluulay Degmada Buur-hakaba.

0

shabaab123Buur-hakaba (AGGM): Sida ay ku soo waramayaa dad goob joogayaal ah oo ku sugan degmada Buurhakaba ee gobollka Bay waxaa gabi ahaanba faarujiyay degmada horjoogayaashii iyo xoogaggii Al-shabaab ee mudadii dheer halkaa maamulayay.

Arinta ayaa ka danbeysay kadib markii ay siweyn ugu dhawaadeen degmada ciidamada dowladda  Soomaaliya iyo AMISOM oo saacadihii ugu danbeeyay dhaq dhaqaaqyo militari oo xoog leh ka wada daafaha degmada Buurhakaba.

Lama oga halka ay dhaqaaqeen halka ay u dhaqaaqeen xoogagga Al-shabaab ee isaga baxay degmada Buurhakaba, hasse ahaatee wararka la hellayo ayaa sheegaya in ay cidlo yihiin saldhigyadii ama fariisimihii kooxda ay ku lahaayeen degmada.

Saraakiisha ciidamada  dowladda ee hogaamineysa dhaq dhaqaaqyda militari ee ka socda daafaha degmada ayaa ku hanbay in ay saacadaha soo socda gudaha u gali doonaan walow aysan sheegin waqti rasmi ah oo laga yaabo in ay fulinayaa howlgalka degmada Buurhakaba.

Dadka qaar ayaa aaminsan in marka kale xoogagga Al-shabaab dib ugu soo laaban karaa degmada, madaama sidan oo kale marar badan uga baxeen haddana dib ugu soo laabteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com