Falaagada Al Shabaab Oo Ku Dilay Deegaanka Buusaar Laba Mas'uul Oo Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.

0

buusaarCeelwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buusaar ee gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay falaagada Al Shabaab ay dilleen guddoomiye ku xigeenki deegaanka Buusaar marxuum Cusmaan C/nuur C/raxmaan iyo gudoomiye ku xigeenki arrimaha bulshada marxuum Maxamed Xuseen Ibraahim ee deegaanka Buusaar gobolka Gedo.

Sida ay ku waramayaa dad ku sugan deegaanka Buusaar oo 40km u jira degmada Ceel-waaq ee gobollka Gedo, kooxo ka tirsan falaagada Al Shabaab ayaa xalay ku toogtay deegaanka Buusaar guddoomiye ku xigeenki deegaanka iyo gudoomiye ku xigeenki Arrimaha Bulshada ee Deegaanka Buusaar..

Guddoomiye ku xigeen deegaanka Buusaar ee  la dilay ayaa waxaa la sheegay in kol hore uu ka badabaday isku day dil oo ay Al-shabaab ku doonayeen in ay ku khaarajiyaan.

Dilka guddoomiye ku xigeenadan ayaa ka dhacay gudaha guryaha ay ka daganaayeen deegaannka, kadib markii ay u dhaceen ama weerareen kooxo sida la sheegay ka tirsanaa falaagada arxanka daran ee Al Shabaab.

Isku soo wada duub oo ma ay aha markii ugu horeeysay ee falaagada arxanka daran ee Al Shabaab ay ku dilaan gobolka Gedo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com