AMISOM Oo Ciidamo Kala Dhaxdhigtey Labadii Garab Ee Ku Dagaalamay Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Xili maalintii shaley magaalada Kismaayo ay booqdeen wafdi wasiira ah oo ka socda Dowlada Soomaaliya islamarkaana u baxay sidii ay usoo xalin lahaayeen khilaafka dhowaan soo kala dhaxgaley ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa hada lasoo sheegayaa in AMISOM war kasoo saartey arintaasi.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee Gobalada Jubooyinka Antony oo maanta wariyaasha kula hadlayay Magaalada xeebta leh ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu shaaca ka qaadey in ciidamo AMISOM ah ay kala dhaxdhigeen labadii ciidan ee dhawaan ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay iney aad ugu xumaadeen markii dhowaan magaalada bartamaha magaalada Kismaayo ku dagaaleen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeledka Raaskambooni kaasi oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labadii ciidan ee halkaasi dagaalka ku dhexmarey.

Ciidamadan AMISOM ay sheegtay iney dhaxdhigtey labadii ciidan oo laba maalin ka hor dagaalka ku dhaxmarey gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa hada aan la ogeyn sida ay noqon doonto xaalada maadama wali aaney jirin war cod oo ku aadan halka lagu dhameeyay colaada labada ciidan.

Isku soo wada duub oo weli waxaa socda waanwaan lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac ee dirirtu ku dhexmartay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com