Wafdi Ka Kooban Xukuumada Soomaaliya, Midowgga Africa Iyo IGAD Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose, wafdi ka socda xukuumada Soomaaliya, midowgga Africa iyo urur gobolleedka IGAD, oo lagu wado in ay kulamo kala duwan ku qaataan magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo uu horkacayo wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Gulleed ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhiga, maaliyada iyo waliba xubno ka socda midowgga Africa, IGAD iyo AMISOM.

Markii ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada Kenya iyo guddoomiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe.

Ujeedada rasmiga ah ee wafdiga ayaa lagu sheegay in ay tahay xoojinta dadaalada nabadeed ee loogu jiro sidii xal loogu heli lahaa xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose, kadib markii ay maalin ka hor ku dagaallameen maleeshiyo beelleed iska soo horjeeda.

Laakiin haddana waxaan marnaba meesha ka marneyn in leysku soo hadal qaado arrimaha la xiriira maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo ay siweyn ugu kala boodsan yihiin dowladda federaalka iyo maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com