Dowladda Kenya Oo Lagu Eedeeyay In Ay Ku Lug Leedahay Dagaalka Kismaayo.

0

kenyan troopsMuqdisho (AGGM): Wax garad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobollka Jubbooyinka ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda Kenya in ay gacan ku laheyd dagaallkii maalintii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

Waxaa ay sheegeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka in saraakiisha dowladda Kenya ee  ku sugan magaalada Kismaayo gacan ka geysteen dagaallkii shalay, islamarkaana ay iyaga ka danbeeyeen.

‘’Dagaallka marka hore waxaa uu ahaa mid laga xumaado oo nasiib darro ah, laakiin waxaa leenahay mas’uuliyada dagaallkaas waxaa qadanaya saraakiisha iyo ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan,’’ ayuu yiri Xassan Ceydiid oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxaya dhinaca dowladda Kenya oo la xiriira dagaallkii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay dagaallka joojiyaan, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com