Dagaal Ciidamada Dowladda Ku Dhexmaray Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

0

Dagaal-GedoMuqdisho (AGGM): Iska horimaad u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay gudaha suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dagaalka oo ahaa mid mudo kooban ka socday gudaha suuqa bakaaraha ayaa waxaa uu dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kaasoo qal qal ku abuuray gacansiga suuqa.

Wararku waxaa ay sheegayaan ilaa labo ruux oo ay ku geeriyoodeen dagaallka, tiro kale oo aan la sheeginna uu dhaawac ka soo gaaray, inkastoo hadda ay goobta gaareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dad ku sugan suuqa bakaaraha ayaa sheegay in dagaallka uu dhacay kadib markii ciidamada iska horimaadka dhaxmaray ay isku khilaafeen lacago canshuur ah oo laga qaado gacansatada suuqa.

Waxaa la sheegay in ganacsigii iyo isku socodkii uu muddo hakad galay inkastoo hada uu dib u soo bilaabanayo.

Ma’aha wax ku cusub dagaalka noocan oo kale ah ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana marar badan arinta ka digay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com