War Deg Deg Ah: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Isku Aruursanaya Madaxtooyada Iyo Dhaqdhaqaayo Ciidan Oo Xoogan Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Kismaayo.

0

breaking newsKismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay hadda isku aruursanayaan xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale ciidamadi ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna waxa ay wadaan dhaqadhaqaaq ciidan oo ay ku xoojinayaan saldhiga booliska magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamadi maanta ku dhex eryaday magaalada Kismaayo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ka hor inta aanu ciidamada Kenya soo kala dhexgalin.

Gabi ahaan magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa ka socda dhaqdhaqaqyo ciidan oo ay wadaan labada dhinac ee dirirtu dhexmartay maanta.

Dhinaca kale deegaanada ku dhow dhow magaalada Kismaayo oo dhan ayaa saacadan waxaa laga soo sheegayaa in ay isku aruursanayaan ciidamo taabacsan ciidamada dowladda ee maanta dagaalka la galay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Ciidamadi isku dhafka ahaa ee jiidaha hore ee dagaalka ku jiray ayaa iyaguna waxaa laga soo sheegayaa in uu shaki soo kala dhexgalay kadibna ay dhamaantood ka soo wada baxeen furimihi soona galeen gudaha magaalada Kismaayo islamarkaana nin walbaa beeshiisi safka lasoo galay.

Isku soo wada duub oo waxaan la ogaan karin halka ay ku dambeeyn doonto xaalada magaalada Kismaayo marka uu waaga u baryo, waloow ay jiraan waan waan ay wadaan waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda ciidamada dirirtu dhexmartay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com