Safaaradda Soomaaliya Ee K/Afrika Oo Ku Guuleystay Inay Fasaxdo Dad Doonayay Inay Dib Ugu Laabtaan Soomaaliya.*Daawo Sawirada*

0

DSCN4961Capetown (AGGM): Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku guuleystay inay fasaxdo dad doonayay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo kuwaasi oo xayirnaa muddo ka badan sedex bilood kadib markii Waaxda Socdaalka ee dalka Koonfur Afrika joojisay,

Dadkani oo tiradooda gaaraysa boqolaal oo doonayay inay booqdaan eheladooda ayaa furitaanka Safaaradda kadib waxaa si wadajir ah kulamo u yeeshay Waaxda Socdaalka dalka Koonfur Afrika iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkani Sayid  Xasan Shariif Cabdullaahi isagoo Safiirka kala hadlay dowladda Koonfur Afrika in ay xayiraadda ka qaado dadka doonaya inay dalkooda hooyo dib ugu laabtaan,

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa wadda dadaalo ku aadan in gabi ahaanb xayiradda laga qaado Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay inay socdaalaan iyadoo tani ay noqonayso tallaabadii ugu horeysay ee ay ku guuleysto Safaaradda waxaana la filayaa maalmaha soo socda boqolaal Soomaali ah ee ku xayiran magaalooyina waaweyn ee dalka koonfur Afrika ay u laabtaan dalkooda hooyo,

Photo by C/qaadir Axad
DSCN4961

DSCN4974

DSCN4948

DSCN4950

DSCN4955

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com