Maamulka Jubbaland Aanu Wada Dhisano Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo-na Masoo Gali Karaan Magaalada Kismaayo.

0

MaqaalMaqaal: Waxaa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed dhamaantood ay u baahan yihiin inay helaan maamulo heer degmo ilaa heer gobol ah oo gaarsiiya ilaa heer maamul goboleed si caadalad ahna ugu adeega danahooda iyo danta guud Soomaaliwayn.

Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxa soo gabgaboobay qaban qaabada shirweeyne loogu sameenayo maamul gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyada oo laga ilaaliyay bataatanba in ciidamada dowladda ee gobolka Gedo gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo halka ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka beelaha Raaskambooni iyo Harti Guruub.

Arintaan ayaa waxaa laga leeyahay ujeedo gaar ah iyo shirqool ay maleegayaan maleeshiyaadka Raaskanbooni iyo Harti Guruub, iyo kuwa sheeganaya inay yihiin ciidamada AMISOM ee ka socda dowladda Kenya.

Waxaa dhacday in dhoowr jeer ciidamada huwan magaca AMISOM ee u adeegaya dadka gaarka ah inay ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ka celiyeen magaalda Kismaayo oo ay ku yiraahdeen ma soo gali kartaan magaalada Kismaayo, ujeedka laga leeyahayna waxaa muuqata oo aan marqati loo doonayn in maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Harti guruub aysan u babac dhigi karin hadii ay ku kulmaan gudaha magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo marnaba lama doonayo inay wax horumar ah ka sameeyaan dagaalada ka socda gobolka Gedo ee ay isga soo horjeedaan falaagada Al Shabaab, sababtoo ah hadii ay ka sameeyaan horumar waxa ay ku soo jiheeysan yihiin magaalada Kismaayo arintaasna  oo Kenya iyo maleeshiyaadka ay gadaal ka taagan tahay murugo ku noqotay.

Su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa tahay hadiiba ciidamadi deegaanada Jubbooyinka Iyo Gedo lakala ilaalinayo yaa maamuulka Jubbaland wada dhisanaya?

Su’aasha labaad ee iyana isweeydiinta u baahan ayaa ah ma nin ciidankiisi ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo iyo nin la yiri ciidankaaga masoo gali karaan magaalada ayaa wada dhisanaya maamulka Jubbaland?

Isku soo wada duub oo maamulka Jubbaland haddii lawada sameesanayo waa in ay dhamaan ciidamada deegaanada Jubbooyinka Iyo Gedo ay soo xoreeyaan deeganada falaagada Al Shabaab gacanta ku hayaan kadibna soo wada galaan gudaha magaalada Kismaayo, hadii aan deegaanada laga wada xoreeyn falaagada Al Shabaab ayna ciidamada  soo wada galin magaalada Kismaayo nin walbaa geedka uu gaari karo ha gaaro dooni meeyno waxa loogu yeero Jubbaland ee beenta ah.

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com