Dowladda Kenya Oo Xirtay Xuduuda Ay Lawadaagto Soomaaliya.

0

kenya-in-somaliaNairobi (AGGM): Sida laga soo xigtay wargeyska Coastweek ee ka soobaxa dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka dowladda Kenya ay saaka waabarigii hore ay xireen xuduuda ay wadagaan Kenya iyo Soomaaliya kadib markii maalinimadii shalay dad gaaraya ilaa 7-ruux lagu dilay xuduuda ay wadaan Kenya iyo Soomaaliya .

Maalim Mohamed oo ah hogaamiya ciidamada amaanka gobolka waqooyi bari Kenya ee gaarisa ayaa sheegay in howlgalkada lagu sooqabtay ilaa iyo dad gaaray 20-ruux oo dhamaantoodba kuhubeysnaa qoryaha fudfud ee AK-47ka waxa uuna sheegay maalin in aysan jiifan doonin oo ay howlgalada siiwadayaan inta dhibka ay wadaan dadka hubeysan ee qalalaasaha kawada Kenya ayuu yiri.

Warkan uu wargeyku qoray ayaa waxa ay soo qaadanaya magacyadii dadkii lagu dilay gudaha masjid kuyaala magaalada libooyo, waxaana ragan lasoo qabtay lagu eedeynayaa in ay gacan saar laleeyihii xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya iyo in ay ka dambeyeen dadkii shalay loo geestay dad ku jiray masjid ku yaala xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Tan iyo sanadii 2011 markii ay ciidamada Kenya usoo talaabeen dalka Somalia ayaa waxa ay lakulmayeen weeraro iyo cadaadis kaga imaanaya dad lasheegay in ay gacansaar laleeyihii xarakada shabaab ee Soomaaliya iyadoona weerarada ugubadan ay kadhacaan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com