Xildhibaan Sheegay In Maamul KMG Ah Loo Sameyanayo Gobollka Galguduud.

0

dhuusamareebMuqdisho (AGGM): Iyadoo todobaadyadii aynu soo dhaafnayba qeybo ka mid ah gobollka Galguduud socod ku marayeen xildhibaanno ka socda baarlamaanka Soomaaliya, ayaa mid ka mid xildhibaannadaas waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya maamul KMG ah u sameyneyso gobollka Galguduud.

Waxaa uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad in booqashadooda Galguduud ay salka ku heyso sida uu hadalka u dhigay u gogor xaarista wafdi ka socda xukuumada Soomaaliya oo lagu wado in uu booqdo gobollka Galguduud.

‘’Waxaan is aragnay qeybaha bulshada, sida odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhalinyarrada dhamaantood waxaa ay inoo muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan wafdiga xukuumada,’’ ayuu yiri Mahad Salaad.

Waxaaa kaloo uu sheegay in bulshada ku dhaqan gobollka siweyn ugu baahan yihiin isbadal dhinaca maamulka ah oo dhaca, iyaga oo ka sugaya xukuumada in ay maamul ku-meel-gaar ah u soo magacaawdo gobollka.

‘’Gobollka waxaa loo magacaabayaa maamul ku-meel-gaar ah, inta badan bulshadii aynu kulamada yeelanay arintaa ayaa nagala hadllayeen, waxaana ay doonayaan in la soo magacaabo maamul ku-meel-gaar ah,’’ ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa uu diiday ama uu meesha ka saaray in uu jiro wax khilaaf ah oo u dhaxeeya xildhibaannada iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca, iyadoo dhawaan mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ku amreen xildhibaannada in  joojiyaan dhaq dhaqaaqyada iyo kulamada ay ka wadaan qeybaha gobollka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com