Warbixin: Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan Iyo Maxamed Cabdi Kaliil Ma Diidan Yihiin Mise Waa Taageersan Yihiin Maamulka Jubbaland?

0

sayid iyo kaliilWarbixin: Dhawaanahanba waxaad maqleeyseen iyada oo ay idaacadaha ka hadlayaan ex xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan iyo gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayna sheegayaan inay diidan yihiin maamulka la doonayo in dhawaan lagu yagleelo magaalada Kismaayo ee Jubbaland State of Somalia.

Haddaba dadka badankiis ayaa waxa ay ku dhaceen shirqool aysan ka fiirsan waxaana xaqiiqa ah mas’uuliyiintaas idaacadaha ka hadlayay bilihi la soo dhaafay oo dhan inaysan bataatanba diidaneen maamulka cusub ee Jubbaland ee dhawaan la yagleelayo balse ay doonayaan inay gor gorgortan lagalaan mas’uuliyiinta IGAD iyo mas’uuliyiinta wada qorshaha maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda xogta ay heleeyso shabakada Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegaysaa in ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan iyo gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil aysan diidaneen maamulka Jubbaland oo ay taageersan yihiin balse ay doonayaan inay ku gor gortamaan xilalka ay ka qaban lahaayeen maamulkaas, hadii ay wax xil ah ka waayaana waxa ay doonayaan inay mucaaradaan maamulka Jubbaland iyagoo sheeganaya inay yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida aad la socotaanba ex Xildhibaan Maxamuud Sayid ayaa hadda wax xil ah ka heeyn dowladda Soomaaliya waxa uu aad u daneenayaa in uu xil misaan culus leh uu ka qabto maamulka cusub ee lagu yagleelayo magaalada Kismaayo.

Maanta ayay ahayd marki ay gaareen magaalada Garbahaareey wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha saxiixeyaasha Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax si ay halkaas uga qeeybgalaan wadahalado lagu doonayo in loogu sheego xilalka ay ka qabanayaan maamulka Jubbaland ex xildhibaan Maxamuud sayid Aadan iyo Maxamed Cabdi Kaliil.

Isku soo wada duub oo waxaa ilaa hadda socda wadahaladi gorgortanka ahaa ee u dhaxeeyay Wafdiga uu hogaaminayay Gudoomiyaha saxiixeyaasha Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax, ex xildhibaanMaxamuud Sayid Adan iyo gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com